Bin Zaid: Waxaanu Itoobiya siinaynaa 3bln oo dollar!

412
mohamed bin Zaid

Mohamed Bin Zaid ayaa sheegey in wadankiisa Imaaraadku uu siin doono Itoobiya maalgashi gaaraya 3bln oo dollar si markaas ay Itoobiya ugasoo kabato dhibaatada ka haysata dhinaca lacagta adag isla markaana loo dardar galiyo ganacsiga.

Waxaa kale oo la sheegey in maalgashiga loo kala qeybin doono labo qeybood: 1) Marka hore waxay imaaraadku dhigi doonaan bangiga dhexe ee Itoobiya $1bln si loo xaliyo baahida degdega ah ee dhinaca lacagaha adag. 2) Maalgashiga intiisa kale wuxuu ku bixi doonaa dhismo Isbitaalo, wadooyin, warshado, goobo ganacsi IWM.

Markii ugu horeysay ee uu imaaraadku Itoobiya uballanqaado lacag intaas dhan sidaas owgeed waxay tani ku tusinaysaa isbadalka weyn ee ku yimid Itoobiya gaar ahaan kadib markii xilka loo igmadey RW Dr Abiy iyo sida ay dowladaha caalamku u xiiseynayaan inay xiriir ganacsi la yeeshaan Itoobiya.