Djibouti: Suuqa xorta ah ee Afrika oo la furey

734

Dalka Djibouti ayaa waxaa si weyn loogu soo dhoweeyey madaxda Afrika gaar ahaan kuwa Geeska Afrika oo uu kamid yahey RW Dr Abiy Ahmed.  Hadafka ugu weyn ee kulankan ayaa ah in xadhiga laga jaro suuqa xorta ah ee Afrika oo ah kii ugu horeeyey adib ee ay qaaradda Afrika yeelato kaasoo ay shaqadiisu soo socotay muddo 2 sano ah.

Waxaa la filayaa in suuqani uu faa’iido weyn ukeeni doono dowladaha Afrika gaar haan kuwa Geeska Afrika maadaama uu suuqani yahey mid xor ah isla markaana ay dowladuhu sheegeen inay si wadajir ah uga qeybqaadan doonaan kobcintiisa iyo sidii uu ku noqon lahaa mid midho dhala.

Dhinaca Itoobiya, waxaa la filayaa in suuqani uu ahmiyad ballaadhan uyeelan doono maadaama Itoobiya iyo Djibouti ay yihiin labo dal oo daris ah isla markaana uu ka dhexeeyo heshiis ganacsi iyo isticmaalka dekedda Djibouti.  Sidoo kale, maadaama Itoobiya tahey dalka ugu weyn Geeska Afrika ayaa waxay dowladaha dariska la ahi diiradda ku hayaan sidey uga faa’iideysan lahaayeen suuqa weyn ee Itoobiya iyagoo raba inay mustaqbalka usuuq geeyaan waxyaabaha ay soo saaraan.  Masar iyo Sudan ayaa iyagu kamid ah wadamada sida weyn u daneynaya ganacsiga xorta ah ee laga furey Djibouti.

Si kastaba ha ahaatee, hirgalinta mashruucan ayaa wuxuu ku xidhnaan doonaa hadba sida ay dowladaha uu quseeyo arinkani uga qeybqaataan kamidho dhalinta heshiisyada ay ku saxiixeen Addis Ababa bishii June 2018 iyo sida ay umuujiyaan ka go’aansho dhab ah iyadoo la eegayo danta guud ee qaaradda madow ee Afrika oo ah mid ay haysato dhibaatooyin dhaqan-dhaqaale iyo shaqo la’aan ku timid da’yarta taasina ay keentay qaxooti badan iyo xasilooni-daro.

Waxaana shaki ku jirin in mashruucani ugogol xaadhi doonaa iskaashi kan ka ballaadhan iyo mashaariicyo kale oo waaweyn oo ay iska kaashadaan dowladaha Afrika oo uu kamid yahey mashruuca middeynta baasaboorada oo hadda meel fiican maraya iyo waliba mideynta lacagta qaaradda Afrika.  Arimahaas oo si weyn ukobcin doonta dhaqaalaha Afrika oo idil iyo in la helo lacag adag isla markaana ay qaaraddu noqoto mid la tartanta wadamada horumaray.