NATO oo ku shireysa Brussels iyo cabsi laga qabo Trump

786

Xulafada NATO ayaa maanta kulan weyn ku leh caasimadda Belgium ee Brussels.  Shirkani wuxuu ku soo hayaagey waqti  adag oo uu jiro khilaaf weyn oo ka dhashey bixinta qarashka ku baxa NATO halkaas oo uu in badan Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegey in NATO ay dulsaar iyo culays ku tahey Mareykanka isla markaana aysan waxba usoo kordhinaynin dalkiisa, sidaas ogeed loo baahan yahey in arinkaas wax laga badalo oo ay dowladaha Yurub bixiyaan qarashka NATO intiisa badan maadaama ay iyagu rabaan inuu Mareykanku kusii jiro NATO oo uu difaaco danahooda gaarka ah.

Sida hoos ku cad, wuxuu Trump barta Twitter-ka uu ku leeyahey kuqorey in Yurub ay dhibaato weyn ku hayaan shaqaalaha, beeraleyda, iyo ganacsiga guud ee Mareykanka taasina ay Mareykanka usoo jiiday khasaaro ka badan $151 billion.  Waxaa kale oo uu Trump hadalkiisa ku daray in iyadoo taasi jirto ayay wadamada Yurub rabaan inaanu si bilaash ah u difaacdo oo aan NATO kusii jirto iyagoon wax lacag ah bixin.  Taasi ma shaqeyn doonto!! ayuu qoraalkiisa hoose kusoo gabagabeeyey!!