Warar 01/06/2019

371

WARKA MADAXDIISII

  • Dr Abiy ayaa wareysi uu siiyey warbaahinta VOA sheegey in hadafkiisa kaliya uu yahey sidii loo horumarin lahaa shacabka iyo dalka Itoobiya
  • Xukuumadda DDS ayaa dib u eegis ku samaynaysa xeerka qoyska ee deegaanka
  • Olole nadaafad oo laga bilaabey caasimadda Jigjiga si loogu diyaar-garoobo Ciida
  • Shirkado ajaanib ah oo loo ogalaadey iney hirgaliyaan mashaariic xooga korontada ah oo ku shaqeynaya ilayska cadceeda (Solar System) iyo DDS oo hal mashruuc heshay
  • Xafiiskii TV-ga Al-jazeera ee caasimadda Khartoom, Suudaan, oo albaabada loo laabey
  • Kulanka Madaxda Islaamka ee Makkah ayaa dhaleeceeyey go’aankii Mareykanka ee ahaa in Qudur tagey caasimadda Israa’iil, waxeyna sheegeen in Falastiin iyo Qudus aan la kala goyn karin
  • Sacuudiga ayaa yiri: khilaafka Khaliijka waa la xalin karaa haddey Qatar kusoo noqoto wadada saxda
  • Sarkaal sare oo ka tirsanaa Qaramada Midoobey oo lagu dilay Gaalkacyo
  • Soomaali qaxooti ah oo laga qaadey dalka Yemen oo la geeyey Berbera
  • Nin cadheysan oo hubaysan ayaa la sheegey inuu 11 ruux ku toogtey Virginia Mareykanka

WARKII OO FAAFAAHSAN

Xafiiskii TV-ga Al-jazeera ee caasimadda Khartoom, Suudaan, oo albaabada loo laabey

FBC: Dalka Suudaan ayaa shatigii kala noqdey TV-ga caanta ah ee Al-jazeera ee laga leeyahey dalka Qatar. Waxaa kale oo ay wararku sheegeen in la xidhey xafiiskii Aljazeera ee caasimadda Khartuum iyadoo aan wax digniin ah ama sabab ah loo sheegin. Sida la ogsoon yahey Aljazeera ayaa waxey toos usoo gudbin jirtey banaan-baxyadii ka dhacey Suudaan iyo qaabka uu ciidanku kula wareegey xukunka. Dhanka kale, waxaa la sheegayaa in tallaabadan ay timid kadib markii saraakiisha sare ee hogaanka kumeelgaadhka ah ee Suudaan ay booqasho ku tageen Sacuudiga halkaas oo ay kula kulmeen madaxda boqontooyada oo iyagu ah kuwo uu khilaaf weyn udhexeeya dalka Qatar.

Shirkado ajaanib ah oo loo ogalaadey iney hirgaliyaan mashaariic xooga korontada ah oo ku shaqeynaya ilayska cadceeda (Solar System)

FBC: Heshiis ayaa wuxuu dhexmarey Wakaaladda Korontada Itoobiya iyo shirkado lagu wado iney hirgaliyaan 12 mashruuc oo korontada lagaga dhalinayo cadceeda (Solar System). Mashaariicda ayaa la sheegey iney ku bixi doonto 296 million, waxaana laga hirgalin doonaa deegaanada: Oromia (Saddex), Amhara (labo), SNNP (hal), Somali (hal) Tigray (hal) Afar (hal), Benishangul Gumuz (hal), and Gambella (hal). Shirkadaha ajaanibka ah ayaa isugu jira kuwo ka kala yimid dalka Shiinaha iyo Spain.

Sarkaal sare oo ka tirsanaa Qaramada Midoobey oo lagu dilay Gaalkacyo

VOA: Koox hubaysan ayaa xalay fiidkii magaalada gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ku dilay wakiilkii dhinaca amniga ee hay’adaha Qaramada Midoobay ee Galmudug oo lagu magacaabo Maxamed Cabdi Khayre kuna magac dheeraa Fiimto. Marxuumka ayaa la dilay xilli uu kasoo baxay masjid uu saaladda Taraawiixda kusoo tukaday waxaana dad goobjoog ahaa ay sheegeen in labo oo dhalinyaro ah oo kuhubaysan bastoolado ay ka toogteen madaxa. Laamaha aniga Iyo masuuliyiinta maamulka Gobalka iyo Degmada Galkacyo ee Galmudug kama aysan hadlin dilka sarkaalka, sidoo kalana lama aqoonsan ciddii ka dambeysay dilka sargaalka, hayeeshee ciidamda amniga Galmudug ayaa bilaabay howlgallo lagu baadi goobayo kooxihii ka dambeeyay dilkaas xalay ka dhacay daanta koonfureed ee galkacyo.

Waa dilkii labaad ee Galkacyo ka dhaca inta lagu guda jiro bisha Ramadaan waxaana dilkii hore loogaysay Taliyihii Howlgaladda Ciidanka Xasilinta Gobalka mudug kaasi oo isagana la toogtay xilli uu ka soobaxay masjid uu Taraawiix kusoo tukaday, hase ahaatee Laamaha amniga oo howlgallo bilaabay ayaa tiro dad ah u qab-qabtay dilkaasi kuwaas oo aan wali warbaahinta loo soo ban dhigin. Dhinaca kale, wararka laga helayo Gobalka Gal-gaduud ayaa kusoo waramaya in saddax qof aano qabiil loogu dilay deegaan hoostaga degmada Dhuusamreeb ee Gobalka Gal-gaduud waxaana wax garad ku sugan Dhuusamreeb ay VOA u sheegeen inay socdaan dadaal lagu baajinayo colaad halkaa ka dhacda.