Warar 07/06/2019

344

WARKA MADAXDIISII

  • Dr Abiy Axmed oo dhexdhexaadin ka dhex wada banaan-baxayaasha Suudaan iyo Ciidanka dalkaas la wareegey
  • Madaxweynaha dalka Sahle-Work Zewde ayaa safar ku tagney dalka Faransiiska
  • Dood ka taagan hub laga iibinayo Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta
  • Saameynta xiisaha udhexeeya Soomaaliya iyo Kenya

WARKII OO FAAFAAHSAN

Dr Abiy Axmed oo dhexdhexaadin ka dhex wada banaan-baxayaasha Suudaan iyo Ciidanka dalkaas la wareegey

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa maanta gaaray magaalada Khartoum ee caasimada dalka Sudan, si uu u dhex-dhaxaadiyo madaxda militariga dalkaas xukuma iyo hogaamiyayaasha dibad-baxayaasha. Abiy ayaa kasoo degay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Khartoum wuxuuna kulamo la leeyahay Jeneraalada xukunka haya. Ra’iisul wasaraaha Itoobiya ayaa la filayaa in goor dambe oo maanta ah uu sidoo kale la kulmo xubnaha hoggaaminaya banaan-baxayaasha. “Waxaan casuumad ka helnay safaaradda Itoobiya si aan halkaas ugula kulano ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, waana tagi doonnaa” Waxaa sidaas yiri hoggaamiyaha dibad-baxayaasha Omar al-Digeir oo la hadlay wakaaladda wararka AFP. Ciidamada Sudan ayaa isniintii billaabay howl-gal ka dhan ah dibad-baxayaasha fadhiya dibadda xarunta wasaaradda gaashaandhigga, waxaana ku dhintay in ka badan 100 qof.Saraakiisha ayaa sheegay in tirada rasmiga ah ee dhimashada ay tahay 61 qof.

Saameynta xiisaha udhexeeya Soomaaliya iyo Kenya

Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa u dhexeeyey maalmihii dhawaa xurguf siyaasadeed oo dadka ka faalooda arrimaha labada dal ay sheegaan in ay sabab u tahay dacwada muranka badda ee taala maxkmada caalamiga ah dhawaana la filaayo in ay go’aan ka gaarto. Inkastoo ay Kenya sheegtey in sababta ay Soomaaliya ku heysato ay tahay in ay sheeganeyso dhul lagu muransan yahay dacwadiisuna ay maxkmada taala. Falastiin Axmed Iiman ayaa arrintan ku eegeysa barnaamijka Bandhiga VOA ee todobaadkan.