Warar 09/03/2019

516

WARKA MADAXDIISII

  • Shirweyne lagu nabadeynayo deegaanada Soomaalida iyo Oromada isla markaana lagu xalinayo dhibaatooyinka xuduudaha ayaa ka dhacey magaalada Moyaale
  • Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey ayaa madaxa xafiiska qaramada midoobey ee Nairobi u magacaabey wasiirka arimaha dibadda ee Itoobiya
  • Kuuriyada Waqooyi oo laga cabsi qabo iney dib ubilowdo tijaabinta gantaalada ridada dheer
  • Howlgal lagu beegsanayo kooxda Al-shabab ayaa la sheegey inuu ka socdo G/Sh/Hoose, Soomaaliya
  • Audigazette: Sacuudiga ayaa sheegey inuu ceelal shidaal oo cusub ka helay badda cas

WARKII OO FAAFAAHSAN

Shirweyne lagu nabadeynayo deegaanada Soomaalida iyo Oromada isla markaana lagu xalinayo dhibaatooyinka xuduudaha ayaa ka dhacey magaalada Moyaale

SRTV: Shirweyne lagu nabadeynayo qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada kaasoo daba socday shirar horaan uga dhacey Addis Ababa iyo Hawassa, ayaa ka  kadhacay magaalada Mooyaale. Waxaa shirkan soo abaabuley wasaarada amniga ee heer federal waxaana kasoo qeybgaley ergeyo ka socdey labada deegaan oo isugu jirey odoyaal-dhaqameedyo, Abaagadayaal, laamaha ambiga ee labada maamul deegaan (Soomaalida iyo Oromada). Hadafka kulankani wuxuu ahaa joojinta colaadda labada dhinac iyo yareynta iskudhacyada xuduudaha, waxaana sidoo kale iskuxidh loo sameeyey afarta maamul ee gobolada Liibaan & Daawa oo Soomaali ah iyo Guji & Boorana oo Oromiya ah. si markaas ay maamulada gobaladaasi uga wada shaqeeyaan dhanka nabadgalyada iyo xasiloonida deegaanadooda iyagoo kaashanaya xukuumadda federalka.

Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey ayaa madaxa xafiiska qaramada midoobey ee Nairobi u magacaabey wasiirka arimaha dibadda ee Itoobiya

FBC: Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres, ayaa wuxuu xilka madaxa ee xafiiska Qaramada Midoobey ee Nairobi (UNON) u magacaabey wasiirka arimaha dibadda ee Itoobiya, Dr. Workneh Gebeyehu. Tallaabadan uu qaadey xoghaya guud ee Qaramada Midoobey ayaa la sheegey iney tahey aqoonsi iyo qadarin ay qaramada midoobey u muujisay dadaalka weyn ee ay Itoobiya ugu jirto in lagu xaqiijiyo nabadgalyo iyo xasilooni ka dhalata G/Afrika iyo waliba Bariga Afrika oo dhan.