Warar 09/07/2019

471

WARKA MADAXDIISII

  • Golaha wasiirada DDS oo ka doodey miisaariyadda sanadka 2012TI oo ah mid ka badan tii sanadkii hore
  • Ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay inuu maxkamad saarayo dadkii iyo warbaahintii ka dambeysay dhibaatooyinkii ka dhacey dalka
  • Xooga korontada ayaa dib loogu soo celinayaa sidii hore ee caadiga aheyd kadib markii muddo ay ku shaqeynaysay qaab marba xaafad loo sii daayo
  • Dhibaatooyinka iyo iskudhacyo ka dhacey Benishangul-gumuz oo ay ku dhinteen 8 ruux
  • Dhoobley: dad rayid ah oo ay miino ku qaraxdey
  • Baarlamaanka Soomaliya oo ansixiyey xeerka saxaafadda
  • JapanToday: Itoobiya oo shaqaale 50,000 u direysa Imaaraadka Carabta
  • Sacuudiga oo joojiyey dalabkii nooca diyaaradaha Boeing 737 Max iyo khasaare badan oo ku yimid shirkadda Boeing

WARKII OO FAAFAAHSAN

Ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay inuu maxkamad saarayo dadkii iyo warbaahintii ka dambeysay dhibaatooyinkii ka dhacey

FBC: Ciidanka xooga dalka ayaa shaaciyey inuu maxkamad la tiigsan doono dadkii iyo warbaahintii qeybta weyn ka qaatey iskudhaca iyo iska horkeenka bulshada iyo ciidanka. MajGen. Mohammed Tessema ayaa warbaahinta usheegey in tallaabo sharci ah laga qaadi doono dadkii arimahaas ka dambeeyey si markaas loo xoojiyo nabadgalyada iyo ilaalinta sharciga dalka. Waxaa kale oo uu sheegey in ciidanku uu dowr weyn ka qaatey sidii loo ilaalin lahaa xasiloonida dalka gaar ahaan caasimadda Addis iyo Bahir Dar.

Dhoobley: dad rayid ah oo ay miino ku qaraxdey

VOA: Inta la xaqiijiyay, ugu yaraan 3 qof ayaa dhimatey, 3 kalena dhaawac ayaa soo gaaray, kadib markii gaari ay dadkaasi la socdeen miino kula qaraxday duleedka magaalada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose, xalay fiidkii. Dadka dhintey dhammaantood ayaa ahaa dad rayid ah oo la socdey gaariga miinadu ay qabsatay, iyadoo kuwa dhaawacmeyna la geeyay isbitaalka Dhoobley. Khadka telefoonka ee Dhoobley, waxaa Sahra Cabdi Axmed ugu waramay Nuur Biixi oo ah Isku duwaha wasaaradda caafmaadka ee deegaanka Dhoobley.