Warar 10/06/2019

1006

WARKA MADAXDIISII

  • Ra’iisal wasaare dalka, Dr Abiy Axmed, oo gaadhey Axum ee Tigrey
  • Kalfadhigii golaha fadareyshinka oo ka furmay Addis Ababa
  • Tirakoobkii dalka oo mar kale dib loo dhigey ilaa 1 sano

WARKA MADAXDIISII

Ra’iisal wasaare dalka, Dr Abiy Axmed, oo gaadhey Axum ee Tigrey

FBC: Ra’iisal wasaaraaha Itoobiya Dr. Abiy Axmed ayaa saka gaadhey magaalada Aksum ( Axum) ee gobolka Tigrey, waxaana halkaas ku soo dhaweeyey madaxweyne ku xigeenka gobolka Tigrey Dr Debretsion Gebremichael. Inta uu Ra’iisal wasaaruhu ku sugan yahay Aksum waxa uu xalin doonaa dhibaatada ka  jirta jaamacada Axum, sidoo kale  waxaa uu wada hadal la yeelan doonaa bulshada ku dhaqan deegaankaas.

Kalfadhigii golaha fadareyshanka oo ka furmay Adis-Ababa

SRTV:Waxaa magalada Adis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya ka furmay kal fadhigii caadiga ahaa ee golaha fedareysahnka dalka Itoobiya, kaasi oo ay ismaamul goboleedyada dalka u matalaan madaxweynayaasha gobolada. Kal fadhigan oo ay deegaanka Soomaalida uga qayb galeen masuuliyiin ay ka mid yihiin madaxwaynaha dawlada deegaanka Soomaalida mudane Mustafe Muxumed Cumar iyo madaxweyne kuxigeenka dawlada deegaanka mudane Aadan Faarax oo ah xubnaha golaha fadareyshanka u matala deegaanka Soomaalida. Golaha fedareyshanka dalka ayaa waxey ansixiyeen qoraal qabyo ah oo horyaaley in mudo ah kaasi oo la xidhiidha qaabka loo qeybsanayo kheyraadka dabiiciga ah ee laga helo dalka gudihiisa. Waxeyna goluhu ansixiyeen in 50% uu leeyahay deegaanka laga helay kheyraadka dabiiciga ah 25% na dawladu federaalku leedahay iyadoo 25% ka federaalka deegaankaasi uu qeyb kuleeyahay ka deegaan ahaan 25% kale ee soo hadheyna deegaanada kale ee dalka ay iska leeyihiin.

Taas oo macnaheedu uu yahay in shidaalka deegaanka Soomaalida laga helay 50% uu deegaanka soomaalidu iska leeyahay 25% uu federaalku leeyahay oo 25% ay deegaanada kale leeyihiin isla markaan deegaanka Soomaaliduna qaybtiisa 25% uu ku leeyahay. Waxaana xusid mudan in mudadii koobneyd ee xukuumada DDS ay jirtey dadaal weyn u gashey sidii loo xaqiijin lahaa qeybta deegaanka Soomaalidu uu ku yeelanayo shidaalka laga helay deegaanka dhexdiisa.

waxeyna masuuliyiinta deegaanku ku doodeen in heshiiska la hirgaliyo sanadka 2012 ka hase ahaatee waxaa la isku raacey in heshiisku si buuxda u dhaqan galo sanad miisaaniyadeedka 2013 ka ee tirsiga taariikhda Itoobiya. Ugu dambayntii waxaa la rajeynayaa balaayiinta dollar ee kasoo xeroota shidaalka deegaanka iney wax weyn katari doono nolosha iyo horumarka shacabka deegaanka Soomaalida.