Warar 10/07/2019

473

WARKA MADAXDIISII

  • Kalfadhiga Golaha xildhibaanada oo galay maalinkiisii 3aad
  • Mareykanka oo uga digey Turkiga inuu soo iibsado sawaariikhda S-400 ee Ruushka ah iyo Turkiga oo arinkaas si kulul uga jawaabey
  • Dr Abiy oo la sheegey inuu kala dhexdhexaadinayo Soomaaliya iyo Kenya
  • Shiinaha oo yiri: Mareykanku ha joojiyo hubka uu ka iibinayo Taiwan
  • Doha: wadahadalka dowladda Afghanistan iyo Taliban oo soo afjarmey
  • Safiirka Britain ee Mareykanka, Kim Darroch, ayaa maanta ku dhawaaqay inuu is casiley kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgaley isaga iyo madaxweynaha Mareykanka Trump
  • Ciidamada Nabad-ilaalinta Midowga Afrika ayaa waxay qaadanayaan tabar ciidan oo uu bixinayo dalka Mareykanka

WARKII OO FAAFAAHSAN

Kalfadhiga Golaha xildhibaanada oo galay maalinkiisii 3aad

SRTV: Waxaa maalintii 3aad galay kalfadhigii 3aad Ee Golaha Baarlamaanka Deegaanka Oo Ka Socda Madasha Shirarka Ee Qaryaan Dhoodaan. Kalfadhigan waxaa saaka lagude galay ajandihii 3aad oo ahaa dhagaysiga, ka doodidda iyo ansaxinta warbixinta Maxkamada Guud ee DDS ee sanadka 2011TI, taasi oo uu soo jeediyay gudoomiyaha maxkamada guud DDS. Warbixintan ayaa ku salaysnayd taabagalinta adeegyada garsoorka deegaanka. Dood ka dib waxay xubnaha golaha baarlamaanku ku anxasiyeen cob buuxa. Kalfadhigan oo wali sii socda ayaa waxaa hadhsan ajandayaal ay ka mid yihiin kawadahadalka iyo ansixinta miisaaniyadda guud ee DDS ee sanad miisaaniyeedka 2012TI, warbixinta hantidhawrka guud iyo xasaanad ka qaadista xubno xildhibaano ah.

Safiirka Britain ee Mareykanka, Kim Darroch, ayaa maanta ku dhawaaqay inuu is casiley kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgaley isaga iyo madaxweynaha Mareykanka Trump

VOA: Safiirka Britain ee Mareykanka Kim Darroch ayaa maanta ku dhawaaqay inuu is casiley, islamarkaasna uu sheegey in ay adag tahay in uu sii wato shaqadiisa, kadib markii la shaaciyey errayo ka dhan ah madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo uu adeegsaday.

War uu soo saaray Darroch ayuu ku yiri “Inkastoo uusan booskeyga shaqo uu ku eg-yahay ilaa iyo laga gaaro dhammaadka sanadkan, haddana, waxaan aamisannahay xaaladdan lagu jirto darteed, inaan aqbalo in la soo magacaabo danjire cusub.”

Darroch, waxa uu ahaa dublamaasi sare oo Britain u joogey Washington tan iyo 2016. Safiirka Britain ayaa Trump cambaareyay isagoo ku eedeyay in uu yahay qof aan fadhiyin isla markaasina aan laheyn wax xirfad ah.