Warar 11/07/2019

461

WARKA MADAXDIISII

  • Xisbiga Dimoqraadiga Amxaarada ayaa deeq lacageed oo dhan 4.5 milyan birr ugu deeqey qoysaskii ay waxyeeladu ka soo gaadheen weerarkii 22 June
  • Warbixintii maxkamadda guud ee DDS oo la ansixiyey iyo kulmo wali socda
  • Dalka Ireland oo ka caawinayo Itoobiya dib u habeynta baarlamaanka dalka
  • Dalka UK ayaa shaaciyey inuu ku bixinayo 15 milyan oo pound si loo horumariyo xoriyadda saxaafadda Afrika oo ay Itoobiya qeyb ka tahey
  • Ingiriiska ayaa ku eedeeyey dalka Iiraan carqaladeynta markab-dagaal oo uu leeyahey

WARKII OO FAAFAAHSAN

Xisbiga Dimoqraadiga Amxaarada ayaa deeq lacageed oo dhan 4.5 milyan birr ugu deeqey qoysaskii ay waxyeeladu ka soo gaadheen weerarkii 22 June

SRTV: Gudiga xisbiga dimoqraadiga ee deegaanka Amxaarada ayaa ku dhawaaqey in ay siinayaan lacag dhan 5.4 million birr qoysaskii ku waxyeeloobey weerarkii 22 June ee Bahar Dar ee gobolka Axmaarada. Arintan ayaa laga sheegey xus loo sameenaayey qoysaskii ku wax-yeelobey oo lagu qabtey hutelka Sheraton Addis, kaasoo ay ka soo qayb galeen saraakiil sare oo ka tirsan xisbiga Axmaarada.
Kulankaas waxaa kasoo qeybgaley Demeke Mekonnen, oo ah gudoomiyaha ADP ahna ku xigeenka RW.

Dalka Ireland oo ka caawinayo Itoobiya dib u habeynta baarlamaanka dalka

FBC: Dalka Ireland ayaa heshiis la saxiixdey Itoobiya kaasoo ujeedkiisu yahey in xukuumadda dalka laga caawiyo sidii dib u habeyn loogu sameyn lahaa baarlamaanka dalka. Dhanka Itoobiya waxaa heshiiskan u saxiixey af-hayeenka golaha shacabka mudane Tagesse Chafo, waxaana sidoo kale dhanka Ireland u saxiixey safiirka Ireland ee Itoobiya, Sonya Hyland. Isbadalka la doonayo in lagu sameeyo baarlamaanka ayaa ah mid la filayo inuu la jaanqaadi doono isbadalka guud ee ka jira dalka ee lagu doonayo in lagu xaqiijiyo dimoqraadiyad iyo horumar ku saleysan cadcadaan & maamul suuban.