Warar 12/07/2019

451

WARKA MADAXDIISII

  • Wasiirka Arimaha Dibadda Itoobiya ayaa la kulmey safiirada dalalka Midowga Yurub
  • Sacuudiga oo la wareegey ilaalinta dakadaha Badda Cas ee Yemen kadib markii uu dalka Imaaraadka Carabta kala baxey ciidankiisa goobahaas
  • Ciidanka dalka Suudaan ayaa sheegey iney fashiliyeen afgambi cusub isla markaana ay xabsiga u taxaabeen ugu yaraan 16 sarkaal oo lagu eedeeyey inay ka dambeeyeen afgambigan dhicisoobey
  • Khubaro Ingriis ah oo dhanka Tamarta Ileyska Qorraxda (Solar systems) ayaa la filayaa iney usbuuca soo socda soo booqan doonaan Itoobiya
  • R/Wasaare Kheyre oo ballan-qaad u muujiyey Puntland iyo Galmudug

WARKII OO FAAFAAHSAN

Wasiirka Arimaha Dibadda Itoobiya ayaa la kulmey safiirada dalalka Midowga Yurub

FBC: Wasiirka Arimaha Dibadda Itoobiya, Gedu Andargachew, ayaa wuxuu kulan ballaadhan ka yeeshay ilaa 11 safiir oo kamid ah kuwa Midowga Yurub (MY), waxaana kulankaas lagu falanqeeyey xiriirka dalalka Yurub iyo Itoobiya iyadoo xooga la saarayo arimaha isbadalka dalka iyo xoojinta  dimoqraadiyadda. Dhanka kale, safiirka Midowga Yurub ee Itoobiya, Johan Borgstam, ayaa mahad ballaadhan usoo jeediyey wasiirka sida wanaagsan ee uu usoo dhoweeyey isagoo sidoo kale uga tacsiyeeyey falalkii iyo dilkii loo geystey qaar kamid ah madaxda sare ee ciidanka xooga dalka. Sidoo kale, waxey safiiradu caddeeyeen in dalalka MY ay si weyn u taageersan yihiin isbadalka Itoobiya iyo kobaca dhaqaale, waxey sheegeen in Itoobiya ay siin doonaan 1.4 billion euro sanadka 2020-ka si markaas loo xoojiyo iskaashiga xiriirka ee dhaqan-dhaqaale ee Yururb iyo Itoobiya.

Kheyre oo ballan-qaad u muujiyey Puntland iyo Galmudug

VOA: Ra’isul wasaaraha Soomaliya, Xasan Cali Kheyre, oo maalmahan ku sugnaa gobollada dhexe ayaa shalay tagay waqooyiga magaalada Gaalkacyo. Kheyre oo dadweyne fara badan kula hadlayay garoonka Cawaale ee magaalada Gaalkacyo, ayaa u sheegay in dowladda federalka ay gacan ku siineyso labada maamul ee magaalada ka jira ee Puntland iyo Galmudug nabadeynta iyo isu soo dhaweynta bulshada. Wariyaha VOA Cabdiwaaxid Macalin Isaaq ayaa warbixintan inoo soo diray.