Warar 12/10/2019

379

WARKA MADAXDIISII

  • Tababar ku saabsan nidaamka maamulka iyo maareynta canshuuraha oo ka furnay Jigjiga
  • Kenya oo xirtay xadka Soomaaliya ee dhanka Lamu
  • Mucaaradka Sudan oo aqbalay wadahadal iyo Mareykanka oo halkaas wafdi udirey
  • Xanuunka Jadeecada oo la sheegey in uu ka jiro deegaano ka tirsan DDS

WARKII OO FAAFAAHSAN

Tababar ku saabsan nidaamka maamulka iyo maareynta cashuuraha oo ka furnay Jigjiga

SRTV: Tababar ay soo diyaarisey wakaalada dakhliga deegaanka loona qabtay qaar kamid ah shaqaalaha dakhliga degmooyinka gobolka Faafan iyo waliba xubno ka socday saddexda maamul magaalo ee Jigjiga Qabribayax iyo Togwajaale ayaa ka furmay jigjiga. Hadaba tababarkan ayaa waxay ujeedadiisu ahayd shuruucda nidaamka maamulka iyo maaraynta cashuurta iyo waliba kobcinta garaadka aqooneed ee shaqaalaha dakhliga, lana rabo in ay sida ugu wanaagsan uga shaqeeyaan hawshaas.

Mucaaradka Sudan oo Aqbalay Wadahadal.

VOA: Ergayga gaarka ah ee ay Dowladda Itoobiya u xil-saartay dhex-dhexaadinta dhinacyada isku haya siyaasadda Sudan, ayaa sheegay in hogaamiyaasha kooxaha dibadbaxyada ka wada Khartoum ay ogolaadeen ambaqaadidda wadahadallada nabadda. Isaga oo wariyaasha kula hadlayay magaalada Khartoum, ay ergeyga gaarka ee Ethiopia, Maxamuud Dirir uu sheegay in Golaha Sare ee Milatariga uu isna ogolaaday dib u billaabidda wadahadallada, si xal looga gaaro khilaafka siyaasadeed ee uu dhiiga badan ku daatay ee ka taagan Suudan. Haddaba, wararki ugu danbeeyay ee xaaladda dalka Sudan, ayaa Nur Hassan Nur uu ka wareystay Cabaas Maxamed Nur oo ah saxafi dagan magaalada Khartoum.

Kenya oo xirtay xadka Soomaaliya ee dhanka Lamu

VOA: Dowladda Kenya ayaa shaacisay inay xirtay xuduuda ay la wadaagto Soomaaliya ee dhanka Ismamaulka Lamu, waxayna sheegtay inaysan jirin cid ka soo gudbi karta xadka Kayuunga iyo Raaskaambooni. Kenya ayaa arrintan u sababaysay walaac dhanka amniga ah oo ka jira deegaanadaasi. Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro kala duwan horay uga fuliyay deegaanada Lamu iyo dhanka xadka Raaskaambooni ee Soomaaliya. Wariyaheena Khadar Mohamud Xareed ayaa warbixintan kasoo diray Nairobi.