Warar 13/07/2019

483

WARKA MADAXDIISII

  • Qarax ka dhacey Kismaayo oo ay ku dhinteen dad badan iyo dowladda Soomaaliya oo cambaareysay falalka Al-shabab
  • Ra’iisul wasaaraha dalka, Dr Abiy, ayaa ka qeybgaley xaflad qalinjabin ah oo ka dhacdey hoolka Millenium Hall Addis Ababa

WARKII OO FAAFAAHSAN

Ra’iisul wasaaraha dalka, Dr Abiy, ayaa ka qeybgaley xaflad qalinjabin ah oo ka dhacdey hoolka Millenium Hall Addis Ababa

SRTV: Ra’iisal wasaare Dr.Abiy Axmed ayaa ku diiri galiyey ardeyda ka qalin jabinaysaa jaamacadaha iyo macaahida sare ee waxbarashada in ay ilaaliyaan mabaadi’da adeega ilaalinta xasiloonida, jaceylka iyo wada noolaanshaha. Waxaa kale oo uu ku baaqey in ardeydu ay noqdaan kuwo wax horumariya isla markaana maskax furan sida xafiiska RW sheegey. Ra’iisal wasaaruhu waxa uu hadalkan sheegey markii uu ka hadlayey xafladii qalin jabinta jaamacada Addis Ababa saaka subaxnimadii (AAU) 2011 E.C.

Waxaa kale oo uu cabirey sida uu ugu farsax san yahay uguna faanayo ardeyda qalin jabisey. RW waxa uu qeexey jaamacaduhu in ay yihiin meel wax cusub lagu ogaado laguna barto qaabka wax loo taxliiliyo laguna baadho waxa uu u baahan yahay in ruuxu ku  gaadho fikrado kala duwan. Waxaa jaamacada  Addis Ababa  ka qalin jabiyey sanadkan isu geyn ardey dhan 9,637  oo ka baxey qaybo kala duwan. Waxa ay jaamacadu siiyey shahaado sharaf  to Mr. Tewolde Gebremariam oo ah agaasimaha guud ee shirkada Ethiopian Airlines iyo muftiga weyn  Sheekh Cumar Idiris oo ah gudoomiyaha golaha sare ee Islaamka Itoobiya.

Qarax ka dhacey Kismaayo oo ay ku dhinteen dad badan iyo dowladda Soomaaliya oo cambaareysay falalka Al-shabab

VOA: Xaaladda magaalada Kismaayo ayaa wali cakiran kadib markii Maleeshiyaad hubaysan oo ka tirsan kooxda Al shabab ay shalay galab ay weerar xooggan ay ku qaadeen Hoteel ku yaala magaalada Kismaayo. Masuulyiinta Isbitaalka magaalada Kismaayo ayaa sidoo kale VOA u xaqiijiyay inay jiraan maydad gaaraya ilaa 12-ruux oo xalay Isbitaalka lasoo gaarsiiyay kuwaasoo iyagu ku geeriyooday Qarixii Ismiidaaminta ahaa ee Hoteelka lagu galay iyo sidoo kale Rasaasta wiiftada ah. Goobta Hoteelka uu ku yaalo waxaa ku yaalo xaafado ay ku nool yihiin dad rayid ah waxana laga cabsi qabaa inuu sii kordho khaasaaraha weerarka.

Gudaha magaalada ayaa wali waxaa laga maqlayaa dhawaqa rasaas ay is waydaarsanayaan Maleeshiyaadka ka dhex dagaalamaya gudaha Hoteelka iyo Ciidamada amaanka Jubaland ee Somalia oo isku dayaya inay soo afjaraan weerarka.

Ilaa hadda si rasmi ah looma oga khasaarah guud ee weerarka Ilaa iyo hadda dadka qaraxa ku geeriyooday ee la xaqiijiyay waxaa kamid Hodan Naleeye Axmed oo ahayd gabar Wariye ahayd oo dhowaan dalka Canada dib uga soo laabatay iyo Syageedii, sidoo kale waxaa ka mid ah wariye Maxamed Farax Sahal Gacmadheere oo isana kamid ahaa wariyeyaasha TV-ga SBC. Madaxweynehaha Dowladda Federaalka ee Somalia ayaa warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiskiisa waxaa uu tacsi u diray ehelada dadkii ku geeriyooday weerarka Kismaayo, waxaana u cambaareeyay falkaasi argagaxisada ah