Warar 15/07/2019

504

WARKA MADAXDIISII

  • Qiimeyn kala duwan oo lagu sameeyey maamulada DDS iyo MW Mustafe oo kormeer kusoo sameeyey goobaha ay ka socdeen qiimeyntu ee Jigjiga
  • MW dalka, Sahle-Work Zewde, iyo Malala Yousafzai ayaa ka wada hadley sidii loo xoojin lahaa waxbarashada hablaha/gabdhaha
  • Imaaraadka Carabta oo Itoobiya siinaya deeq lacageed oo dhan $100 milyan oo lagu dardar galinayo ganacsiga dalka
  • Midowga Afrika oo si kulul u dhaleeceeyey qarixii ka dhacey Kismaayo ee ay dadka badan ku dhinteen qaar kalena ay ku dhaawacmeen
  • Xukuumadda Mareykanka oo qaadey olole ay ku qabqabanayso dadka qaxootiga ah ee sharcidarada ku jooga dalkaas

WARKII OO FAAFAAHSAN

Imaaraadka Carabta oo Itoobiya siinaya deeq lacageed oo dhan $100 milyan oo lagu dardar galinayo ganacsiga dalka 

FBC: Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya ayaa kala saxiixdey heshiis (MoU) oo ah deeq lacageed oo dhan 100 milan dollar oo lasiinayo xukuumadda Itoobiya si markaas loo dardar galiyo ganacsiga yaryar iyo kuwa dhexe ee dalka. Waxaa heshiiska si wadajir ah u saxiixey wasiiru dowlaha dhanka Maaliyadda Itoobiya, Admasu Nebebe, iyo Madaxa Hey’adda Khalifa Fund ee Imaaraadka, Hussain. J. Al Nowais. Waxaa kale oo ay dowladda Itoobiya sheegtey in deeqdan lacagta lagu bixin doono dhanka adeegsiga technology-ada casriga ah si markaas loo dardar galiyo dhaqaalaha iyo ganacsiga dalka.

Xukuumadda Mareykanka oo qaadey olole ay ku qabqabanayso dadka qaxootiga ah ee sharcidarada ku jooga dalkaas

VOA: Olole lagu baadi goobayo dadka magangalyo doonka ah ee sharci darrada ku jooga gudaha dalkan maraykanka ayaa laga bilaabay gobolada dalkan oo dhan Axaddii shalay.In ka badan 2,000 oo qof oo sharci darro ah ayaa ololahan lagu beegsanayaa kuwaasi oo la filayo in la mastaafuriyo.

Ku simaha madaxa hey’adda socdaalka iyo ilaalada xuduudaha ee maraykanka Matt Albence ayaa sheegay in ay beegsanayaan shaqsiyaad gaar ah oo maxkamadaha ku lahaa balamo la xiriira codsigooda magan galyo doon, kuwaasi oo qaadiyadda maxkamadaha ee arimaha soo galootigu ay diideen kiiskooda. Matt Albence, ma uusan bixin wax faahfaahin ah oo ku meesha ay ka bilaabeen dadkaa la soo qabqabanayo iyo sidoo kale tirada dadka ay soo qabteen ilaa hadda. Waxa kor u sii kacday cabsida ay qabaan dadka soo galootiga ah ee ku nool magaalooyinka waaweyn ee Mareykanka, kuwaasi oo ay askartu xoog ku galeyso albaabadooda xaafadaha ay ku noolyihiin.