Warar 16/05/2019

372

WARKA MADAXDIISII

  • Qaar kamid ah mas’uuliyiinta xukuumadda DDS oo la kulmey dhalinyaro la filayo iney ka shaqeyn doonaan xafiiska Jibriga
  • Madaxweynaha DDS oo khudbad ka jeediyey madal qaaraan loogu ururinayey barakayacaasha deegaanka
  • Suxufiyiin ka socda wakaalada wararka OBN oo jigjiga soo gaadhey
  • Dalka Mareykanka oo adkeeyey nabadgalyada qaar kamid ah masaajidda dalkaas
  • Nin lagu eedeeyey bixinta qishka imtixaankii dugsiga sare ee Soomaliya oo la xirey

WARKII OO FAAFAAHSAN

Qaar kamid ah mas’uuliyiinta xukuumadda DDS oo la kulmey dhalinyaro la filayo iney ka shaqeyn doonaan xafiiska Jibriga

SRTV: 50 dhalinyaro ah oo ka hawl gali doona Kastamka cashuuraha ( Jibriga) ee dawlada deegaanka Soomaalida ayaa waxaa kulan la yeeshey qaar kamid ah mas’uuliyiinta dawlad deegaanka. Dhalinyaradan ayaa la filayaa iney dhowaan u kicitimi doonaan magaalada Addis Ababa si ay tababar ku saabsan canshuuraha iyo kastamada ugu soo qaadaan halkaas. Mas’uuliyiinta ayaa dhalinyarada ku dhiirigaliyey iney si fiican usoo qaataan tababarka isla markaana ay tusaale wanaagsan u noqdaan dhalinta kale ee deegaanka. Maxamed Yuusuf Rooble oo ah ku xigeenka xafiiska maamulka dawlada deegaanka Soomalaida oo halkaas ka hadley ayaa wuxuu dhalinta kula dardaarmey iney aqoontooda kordhiyaan isla markaana ay si hufan uga kasoo baxaan shaqada loo tababarayo. Sidoo kale, Xasan Aadan Xasan oo ah madax xafiiska shaqaalaha ayaa isaguna si weyn u gubaabiyey dhalinta.

Madaxweynaha DDS oo khudbad ka jeediyey madasha barakayacaasha qaaraanka loogu ururinayo

SRTV: Madaxweynaha dawlada deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cumar, ayaa khudbad qiimo badan ka jeediyey madasha Qaryaan Dhoodaan halkaas oo dhaqaale loogu aruurinayey barakayaasha deegaanka bisha barakaysan ee Ramadaan si markaas loola caawiyo duruufaha adag ee ay ku jiraan. Madaxweynuhu wuxuu halkaas ka sheegey in lacag aruurinta ay tusaale u tahey isu naxariisasho iyo wax wada qabsi, wuxuuna ku baaqey in golaha wasiiradu ay ku deeqi doonaan bil mushaarkooda ah. Waxaa kale oo la sheegey in lacagta goobtaas lagaga yaboohey ay gaadheysay ilaa 25,783858 bir.

Suxufiyiin ka socda wakaalada wararka OBN oo jigjiga soo gaadhey

Waxaa soo gadhey magaalada Jigjiga gaar ahaan xarunta warbaahinta dawlada deegaanka Soomaalida iyo suxufiyiin hordhac u ah koox ka socotey warbaahinta OBN oo la filayo iney fadhi ku geelan doonto caasimada Deegaanka Soomaalida ee Jigjiga.  Waxaa sidoo kale kamid ahaa kooxda SRTV oo uu fadhigoodu yahay caasimada Adama ee Deegaanka Oromiya. Waxaana saxafiyiintaas wehelinayey Maamulka Wakaalada Warbaahinta DDS  Cabdirisaaq Aadan cadheys.  Xubnaha labada warbaahinta ayaa kulan la yeeshey maamulka wakaaladda SRTV, waxaan laga wada hadley arimo la xiriira heshiis ay horaan gaadheen labada warbaahinta ee Soomaalida iyo Oromada.

Nin lagu eedeeyey bixinta qishka imtixaankii dugsiga sare ee Soomaliya oo la xirey

VOA: Wararka ka imanaya Muqdishu ayaa sheegaya in dawladda Soomaaliya ay qabatay nin u shaqeeya wasaaradda waxbarashada oo lagu tuhunsan yahay inuu bixiyey imtixaanaadkii la baabi’iyay ee dugsiga sare. Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in la qabtay ninkaasi oo lagu magacaabo Jamaaluddiin Xasan Xirsi lana sheegay inuu yahay 29 sano jir. Ninka la qabtay ayaa la sheegay inuu ka shaqaynayey imtixaanaadka degmada Balanballe ee gobolka Galguduud. Dawladda ayaa imtixaanaadka joojisay Isniintii waxayna sheegtay in dib loo qaadayo dhammaadka bishan May. Qaar ka mid ah ardayda dugsiyada ayaa shalay bannanabax ka sameeyey magaalooyin kala duwan oo ku yaalla Soomaaliya oo ay kaga soo horjeedaan imtixaanaadka la joojiyey.

Dalka Mareykanka oo adkeeyey nabadgalyada qaar kamid ah masaajidada dalkaas

VOA: Masaajidada ku yaalla dalkan Maraykanka ayaa wali waxaa la soo darsaya cabsi uga imanaysa kooxaha xagjirka ah ee muslimiinta neceb, kadib markii toddobaadkan masaajid ku yaalla gobolka Connectinut dab la qabadsiiyay. Masaajidada qaarkood ayaa sheegay in hanjabaad loo soo diray. Laakiin, ilaalada gaarka ah ee masaajidada iyo hay’addaha amniga maxaliga ah ayaa iska kaashanaya sugidda amniga xilliyada habbeenkii ee lagu tukanayo taraawiixda. Dhinaca kale, maamulka masjidka Al-Salaam oo ku yaalla magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota iyo dad taageersan ayaa ku hor dibad baxay hay’adda maamusha goobaha lagu nasto ee magaalada Minneapolis, ka dib maamulka beeraha lagu nastaa uu masjidka u diiday dhul bannaan oo maamulka masjidku doonayey inay noqoto meel dadka salaadda u imanayaa ay baabuurta dhigtaan. Waxaa dibadbaxa qeyb ka ahaa Jeylani Xuseen, oo ah madaxa laanta gobolka Minnesota ee ha’yadda CAIR oo ah hay’ad u doodda xuquuqda dadka Muslimiinta ah. Cabdixakkim M. Shirwac ayuu uga waramay dibadbaxii dhacay.