Warar 16/07/2019

374

WARKA MADAXDIISII

  • Itoobiya iyo Mareykanka ayaa waxey wada bilaabey tababar xagga ciidanka xooga ah
  • Trump oo mar kale weerarey afar dumar ah oo ay kamid tahey Ilhan Cumar oo Soomaali ah kuna yiri iney dib ugu noqdaan wadamadii ay ka yimaadeen
  • James Swan iyo Axmed Madoobe oo ka wadahadley doorashada Jubaland
  • Xukuumadda Deegaanka Oromada oo magacowdey saraakiil cusub oo ka tirsanaan doona maamulka cusub ee deegaankooda
  • Ethiopian Airline oo duulimaad cusub u bilowdey maamul-gobaleedka Puntland

WARKII OO FAAFAAHSAN

Trump oo mar kale weerarey afar dumar ah oo ay kamid tahey Ilhan Cumar oo Soomaali ah kuna yiri iney dib ugu noqdaan wadamadii ay ka yimaadeen

Madaxweyne Donald Trump ayaa maanta mar kale weerar afka ah ku qaaday afar mudane oo dumar ah ka tirsan Koongareeska Mareykanka oo aanan caddaan aheyn, kuwaas oo ay ku jirto Ilhan Cumar.

Hadal qoraal ah oo uu Isniinti maanta ku faafay bartiisa Twitter-ka ayuu Trump ku sheegay in afartaasi dumarka ah ay u gafeen Mareykanka, Israil iyo madaxtooyada. Trump ayaa qoraalkiisa ku yiri:”Goorma ayay dumarka xildhibaanada ah ee bidixda mayalka adage ee ku jira Koongareeska raalli gelin siin doonaan waddankeenna, dadka Israil iyo xitaa xafiiska madaxtooyada, sababo la xiriira luqadda khalan ee ay adeegsadeen iyo hadallada gurracan ee ay sheegeen. Madaxweyne Trump ayaa intaasi ku daray in dad badan ay mudanayaashani u careysanyihiin. Hadalkaan ayaa imanaya maalin kaddib, marki uu madaxweyne Trump Axadi shalay ku weeraray bartiisa twitter-ka afartan mudane ee xisbiga dimoqraadiga kasoo gala Koongareeska. Wuxuu dhamaantood u sheegay in ay dib ugu laabtaan waddanada ay asal ahaan kasoo jeedaan, si ay u xalliyaan mushkiladaha dhinacyada maamulka, iyo danbiyada ee u sheegay in ay ka jiraan. Mudanayaashan ayaa kala ah, Alexandria Ocasio-Cortez, Rashida Tlaib iyo Ayanna Pressley oo dhamaantood ku dhashay Mareykanka, iyo Ilhan Omar timid dalkaan iyada oo yar. Hadalka Trump ayaa waxaa cambaareeyay siyaasiyiinta xisbiga dimoqraadiga oo ku tilmaamay mid ay ka buuxdo cunsuriyad.

James Swan iyo Axmed Madoobe oo ka wadahadley doorashada Jubaland

VOA: Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, James Swan, ayaa sheegay in loo baahan yahay in deegaannada Jubbaland ay ka qabsoonto doorasho xor iyo xalaal ah taasoo ku dhacda wakhtigii loogu talagalay. James Swan iyo madaxweyaha Jubbaland Axmed Madoobe oo shalay kulan ku yeeshay magaalada Kismaayo ayaa sheegay inay isku raaceen inaan la soo faragalin doonin arrimaha doorashada Jubbaland, balse taas baddalkeedana loo baahan yahay inay qabsoonto doorasho xor oo xalaal ah, oo wakhtigeeda ku dhacda.