Warar 16/10/2018

546

WARKA MADAXDIISII

  • Mudane Cadaani Hirmooge oo sheegey in ururka ONLF iyo dowladda DDS ay gacmaha isqabsadeen
  • Xukuumadda federalka oo dooneysa in tirada wasaaradaha la yareeyo
  • Khubaro Turki ah oo markii ugu horeysay baadhitaan ku sameeyey Qunsuliyadda Sacuudiga
  • Trump oo Miike Pompeo u direy Sacuudiga si uu ugala xaajoodo arinka Khashuggi
  • Sacuudiga oo la sheegey inuu qiri doono dilka Khashuggi laakiin uu rabo inuu cid kale dusha usaaro

WARKII OO FAAFAAHSAN

Mudane Cadaani Hirmooge oo sheegey in ururka ONLF iyo dowladda DDS ay gacmaha isqabsadeen

Af-hayeenka ONLF, Mudane Cadaani Hirmooge, ayaa sheegey in ururku uu olole weyn ka wado deegaanka DDS si loo xoojiyo wadatashiga, wacyigalinta, iyo in shacabka la dareensiiyo in jabhaddu ay halganka usoo wadey shacabkeeda oo ay naftooda iyo dhiigoodaba usoo hureen. ¬†Cadaani ayaa isagoo tilmaamaya socdaalka kala duman ee ay ku tageen gobolada deegaanka ayaa wuxuu sheegey in socdaalku ahaa “Abaabul Nabadeed“, wuxuuna sheegey in si fiican loogu soo dhoweeyey dhammaan gobolada deegaanka, taasina ay tusaale fiican utahey jaceylka ay shacabku uqabaan jabhadda iyo in halganku ahaa mid shacabka daraadii loo galey. Waxaa kale oo uu Cadaani sheegey inuusan jirin wax khilaaf ah oo u dhexeeya jabhadda iyo xukuumadda Mustafe ee ay yihiiin kuwo gacmaha isqabsadey isla markaana kawada shaqeynaya danaha shacabka. Sidoo kale, wuxuu hadalkiisa ku darey in heshiiskii ONLF iyo Itoobiya uu yahey mid la filayo inuu maalmahan soo socda bilowdo haseyeeshee masheegin waqti go’an oo uu kulankaasi dhici doono.

Xukuumadda federalka oo dooneysa in tirada wasaaradaha la yareeyo

Waxey wararku sheegayaan in xukuumadda federalku iney baarmanaanka ugudbisay nuqul-qabyo (draft) oo lagu soo bandhigey qorshe ah in wasaaradaha federalka laysu geeyo badhkood iyadoo la eegaya sidey isu qaadan karaan, si markaas ay unoqdaan 19 wasaaradood meesha ay hadda ka yihiin 28 wasaaradood. Waxaa la sheegey in qorshahan uu yahey mid lagu doonayo in kor loogu qaado tayada shaqada wasaaradaha isla markaana lagu abuurayo wasaarado cusub iyadoo la tixgalinayo baahida hadda jirta ee xagga nabadgalyada iyo horumarka dalka oo idil.

Khubaro Turki ah oo baadhitaan ku sameeyey Qunsuliyadda Sacuudiga

Khubaro Turki ah oo ku takhasusey baadhitaanka dambiyada ayaa waxaa markii ugu horeeysay loo ogolaadey iney galaan Qunsuliyadda Sacuudiga ee Istambuul si markaas ay baadhitaan dhab ah ugu sameeyeen dilka Jamal Khashuggi oo la sheegey inuu Qunsuliyada galey 2 Oktober laakiinse aan dib dambe loo arkin isagoo kasoo baxaya. Trump ayaa sacuudiga udirey wasiirkiisa arimaha dibadda¬†Mike Pompeo si uu boqorka sacuudiga ugala soo xaajoodo meesha uu ku dambeeyey Jamal Khashuggi. Sidoo kale, waxey wararku sheegayaan in Sacuudigu uu doonayo inuu soo saaro warbixin sheegeysa inuu Jamal Khashuggi udhintey si aan ulakac laheyn oo qalad ah, arinkaasna ay geysteen rag 12 ah oo ka tirsan sirdoonka Sacuudiga oo loogu soo direy iney su’aalo soo weydiiyaan khashuggi, laakiinse ay ugu dambeyntii udileen si aan sax aheyn. Warbaahinta caalamka, gaar ahaan Washington Post oo ah saxaafadda uu ushaqeyn jirey Jamal Khashuggi, ayaa sheegtey inuu Sacuudigu hadda raadinayo wado uu ku baxsado iyo inuu dilka Khashoggi dusha usaaro cid kale si markaasna loo qariyo cidda dhabta ah ee dilkaas gaysatey.