Warar 17/05/2019

458

WARKA MADAXDIISII

  • Baarlamanaka Itoobiya oo ansixiyey labo guddi iyo madaxdooda
  • Shirkii EPRDF oo lasoo gabogabeeyey iyo qiimeyn buuxda oo lagu sameeyey xaaladda guud ee dalka gaar ahaan dhanka amniga iyo dhaqaalaha
  • Safiirada Denmark ee u fadhida Itoobiya ayaa soo gaadhey caasimadda Jigjiga
  • Wakaalada Ilaalinta duurjoogta DFI oo kulan la qaadatey dawlad deegaanada Soomaalida iyo Oromada
  • Dagmada Laas-dharkeynle ee Gobalka Qorahey oo laga furey xafiiskii ONLF

WARKII OO FAAFAAHSAN

Baarlamanaka Itoobiya oo ansixiyey labo guddi iyo madaxdooda

FBC: Baarlamaanka Itoobiya ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey gudoomiyaha iyo ku xigeenka gudiga xuduudaha iyo ilaalinta arimaha qaranka. Waxaa loo magacaabey gudoomiyaha gudigan Dr Tassew Gebre halka  Prof. Abubeker Axmed loo magacaabey ku xigeenkiisa. Magacaabistan waxaa lagu ansixiyey cod aqlabiyadda, waxaana ka soo hor jeestey 25 mudane. Sidoo kale wuxu isla fadhigaa baarlaaanku ku ansixiyey gudoomiyaha guddiga dib u heshiisiinta iyo ku xigeenkiisa kuwaas oo kala ah Cardinal Berhaneyesus iyo Yetnebersh Nigusse, waxaana lagu ansixiyey cod aqlabiyad ah, waxaana diidey 10 cod oo kaliya.

Safiirada Denmark ee u fadhida Itoobiya ayaa soo gaadhey caasimadda Jigjiga

SRTV: Waxaa safar booqasho ku timid caasimada dawladda deegaanka Soomaalida ee Jigjiga Safiiradda u fadhida wadanka Denmark ee dalka Itoobiya iyo wafdi ay hogaaminaysay. Markii uu wafdigu soo gaadhey gagida diyaaradaha ee Garaad Wiilwaal waxaa si diiran ugu soo dhoweeyey madaxweyne ku xigeenka dawlada deegaanka Soomaalida Aadan faarax Ibraahim. Dhanka kale, wasiirka caafimaadka Dr. Yuusuf Maxamed oo soo dhoweynta iyo kulanka ka qayb galay ayaa sheegey in wafdigan uu weheliyo wakiilka hay’adda UNPF ee wadanka Itoobiya kuwaas oo deegaanka ka caawin doona arimaha caafimaadka gaar ahaan dhinaca caafimaadka qoyska.

Wakaalada Ilaalinta duur-joogta DFI oo kulan la qaadatey dawlad deegaanada Soomaalida iyo Oromada

SRTV: Mas’uuliyiin ka socdey wakaaladda ilaalinta duur-joogta ayaa kulan la qaatey odayaal ka soctey deegaanka Soomaalida iyo Oromada kuwaas oo ka kala socdey deegaanada Maya Muluqo, Baabili, Erer iyo Miidha, iyo goobo lagu sheegey inuu ku dhaqan yahay Maroodi tiro badan. Haseyeeshee waxey khubaradu sheegeen iney deegaanada dadka oo sii kordhaya owgeed in duurjoogtii ay nolosheedu gashey cidhiidhi isla markaana uu sii yaraanayo duurkii ay ku noolaayeen. Waxaa kale oo ay khubaradu sheegeen iney muhiim tahey in daraasad cusub lagu sameeyo isbadalka cimilada iyo dhaqdhaqaaqa duurjoogta labada deegaan si markaas looga hortago dhibaato weyn oo ku iman karta.

Farmaajo oo ka hadlay khilaafka maamul goboleedyada

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa khudbad uu xalay ka jeediyay munaasab lagu xusayay maalinta dhalinyarada ee 15ka may, waxa uu kaga hadlay khilaafka maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe. Madaxweynaha ayaa si gaar ah uga hadlay shirkii kusoo dhammaaday Garoowe isagoo aan wax natiijo ah laga gaadhin. Sidoo kale, madaxweynaha ayaa ka hadlay tuhunka ka dhashay hindise sharciyeedka doorashooyinka ee qodobadiisa qaar loo arkay in dowladda ay ku dooneyso muddo kororsi.

Dowladda Soomaaliya ayaa sharciyo cusub kasoo saartey Xajka sanadkan

VOA: Guddi loo xilsaarey diyaarinta adeegyada Xujeyda sanadkan ayaa soo saarey go’aano ku aadan arrintaas, iyagoo ku dhawaaqey in shirkadihii ku guuleystey adeega Xajka sanadkan in ay bulshada u qabtaan adeeg hufan.