Warar 18/03/2019

636

WARKA MADAXDIISII

  • Itoobiya ayaa sheegtey in macluumaad laga helay sanduuqa madow ee diyaaradii dhacdey ay sheegayaan in sababta dhicitaanka diyaaraddu ay lamid tahey tii horaan dalka Indonisia uga dhacdey ee nooceada aheyd
  • Dad Itoobiyaan ah oo ay tiradoodu gaadheyso ilaa 450 ruux oo laga soo celiyey Sacuudiga
  • Dr Abiy oo booqdey barakacayaal ku sugnaa Gedeo oo kamid ah Shucuubta Koonfureed
  • Dowladda New Zealand ayaa badaleysa xeerka iyo qawaaniinta hub-qaadashada kadib xasuuqii Jimcihii ka dhacey 2-da masaajid ee ku yaaley dalkaas
  • Qaar ka tirsan ciidamada Soomaaliya ayaa ka gadoodey mushaar la’aan dhowr bilood ah iyo dowladda Soomaaliya oo isku dayeysa iney xaaladda dajiso mushaar-bixin la’aan
  • Abaaro la filayo iney ka dhici doonaan G/Afrika iyo xukuumadda Mareykanka ee TRUMP oo hoos u dhigtey caawimaadii dibadda ee ay siin jirtey wadamada soo koraya
  • Idaacadda VOA oo barnaamij ka diyaarisey waxa la gudboon muslimiinta kadib xasuuqii ka dhacey dalka New Zealand

WARKII OO FAAFAAHSAN

Dad Itoobiyaan ah oo tiradoodu gaadheyso ilaa 450 ruux oo laga soo celiyey Sacuudiga

FBC: Dad Itoobiyaan ah oo ay tiradoodu gaadheyso 450 ruux ayaa soo gaadhey Addis Ababa iyagoo laga soo celiyey Sacuudiga. Dowladda Itoobiya iyo hey’adda IOM ayaa iska kaashadey in dadkan lagu soo celiyo wadankooda. Sida ay wararku sheegeen tirada guud ee dadka lasoo celiyey ayaa waxey gaadhayaan 1,800 ruux.

Itoobiya ayaa sheegtey in macluumaad laga helay sanduuqa madow ee diyaaradii dhacdey ay sheegayaan in sababta dhicitaanka diyaaraddu ay lamid tahey tii horaan dalka Indonisia uga dhacdey ee nooceeda aheyd

FBC: Macluumaad cusub oo laga heley sanduuqii madoobaa ee la geeyey Parin, Faransiiska, ee diyaaradii dhacdey Axadii hore ayaa sheegaya in sababta ay diyaaradu u burburtey ay tahey sabab lamid ah tii ay uburburtey diyaaraddii dalka Indonisia bishii October ee sanadkii hore. Waxaa kale oo ay wararku sheegeen in macluumaadkii oo dhan dib loo helay taasina ay tahey guul iyo in si dhab ah loo xaqiijiyo sababta keentey in diyaaraddu burburto iyadoo aheyd mid cusub ee 4 bilood oo kaliya shaqeyneysay. Dhanka kale waxey wararku sheegeen in helitaanka DNA-da dadka ku dhintey shilkan laga yaabo iney qaadato ilaa 6 bilood, haseyeeshee waxaa la sheegey in ehalada qaarkood ay sameeyeen tacsi iyagoo aan meydadkii wali helin maadaama uu arinkaas waqti qaadan doono oo wali baadhitaan lagu jiro.

Abaaro la filayo iney ka dhici doonaan G/Afrika iyo xukuumadda Mareykanka ee TRUMP oo hoos u dhigtey caawimaadii dibadda ee ay siin jirtey wadamada soo koraya

Al-jazeera: Geeska Afrika ayaa la sheegey iney soo waajihi doonaan abaaro isla markaana la filayo in malaayiin ruux ay abaarahaasi saameyn doonaan gaar ahaan kadib markii uu dalka Mareykanku sheegey inuu yareeyey gargaarkii uu siin jirey wadamada soo koraya. Bilowgii bishan ayaa Aqalka Cad ee Mareykanka wuxuu shaaca ka qaadey in taakuleynta dibadda uu hoos udhigey ilaa 24 boqolkiiba. Xarunta ka hortagga abaaraha ee loo yaqaano the Famine Early Warning Systems Network (FEWSN) ayaa saadaalisey iney macquul tahey in abaaro xun ay dhacaan isla markaana uu yaraado dalaga ilaa 30% taasina ay keeni karto macaluum ba’an. Sidaas owgeed, waxey hey’adaha gargaarku arinkan ka muujiyeen walwal badan iyo in taakulada Mareykanka oo hoos loo dhigo ay dhibaato weyn ku tahey boqolaalo reerood oo ku nool G/Afrika. Waxaa kale oo la sheegey in laga soo bilaabo 1990-kii uu isbadalka cimiladu saameyn ku hayey deegaanada G/Afrika oo dhan isla markaana ay xaaladdu kasii dareysay sanad walba. Hey’adda USAID ayaa sida la sheegey gacan weyn ka geysata taakuleynta dadka tabaaleysan iyadoo malaayiiin ruux uqeybisaa taakuleyn raashin.

Idaacadda VOA ayaa barnaamij ka diyaarisay waxa la gudboon muslimiinta kadib xasuuqii ka dhacey dalka New Zealand

Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha ee toddobaadkan ayey idaacadda VOA ku marti qaadey Sheekh Maxamed Dayib Sheekh Xuseen oo ah imaamka masaajidka Al-Huda, magaalada Birmingham ee dalka Ingiriiska. Barnaamijka waxaa VOA-da usoo diyaariyey oo soo jeedinaya Jaamac Buulle Jaamac.