Warar 18/05/2019

354

WARKA MADAXDIISII

  • MW Mustafe ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wiil doobiile ah oo shaqadiisa lagu takooray
  • Xisbiyada siyaasadda ee Itoobiya oo maanta Addis Ababa ku kulmey
  • Al-jazeera: Mareykanka iyo dalka Iiraan oo si adag isugu goodiyey iyo cabsi weyn oo laga qabo in dagaal dhaco
  • VOA: Al Shabaab oo qaab cusub u qoranaysa dadka Kenyan-ka
  • Madaxweynaha Galmudug, Axmed Xaaf, ayaa ujawaabey Madaxweyne Farmaajo
  • Dakhliga soo galey madaxweyne Trump sanadkii 2018ka oo la shaaciyey

WARKII OO FAAFAAHSAN

Xisbiyada siyaasadda ee Itoobiya oo maanta Addis Ababa ku kulmey

FBC: Xisbiyada siyaasda ee ka jira wadanka Itoobiya ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta Guddiga Dhaqaalaha Afrika (ECA) ee ku taala caasimada Addis Ababa, waxaaneyna siyaasiyiintu ka wada hadlayaan xaaladda guud ee dalka gaar ahaan arimaha ku saabsan doorashada 2020-ka. Kulankan waxaa ka soo qayb galay ra’iisal wasaaraha dalka Dr Abiy Axmed waxaana kulankan la filayaa inuu  xooga saari doono fursadaha iyo dhibaatooyinka ka jira dalka. Sidoo kale, waxaa la filayaa in kulankan lagu soo jeedin doona talooyin iyo qoraalo cilmi baadhis oo ay soo diyaariyeen Dr.Semir Aman, Prof. Hizkias Assefa, Dr. Elizabeth Hailegiorgie iyo Andualen Arage.

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Xaaf, ayaa ujawaabey Madaxweyne Farmaajo

VOA: Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ka jawaabay khudbad uu Madaxweynaha Soomaaliya ku tilmaamay inuu yahay bukaan diiday daawadii loo qoray. Muranka labada dhinac ayaa salka ku haya khilaafka dowladda iyo maamulka Galmudug iyo shirkii fashilmay ee Garoowe oo qodobadii la isku qabtay ay arrintaas ka mid ahayd. Farmaajo ayaa sheegay inuu diiday in madaxweyne Xaaf muddo xileedka loo kordhiyo, taasi oo la isku soo qaaday intii uu socday shirka Garoowe. Xaaf ayaa xalay la hadlayay jaaliyadda Galmudug ee magaalada Nairobi, wuxuuna sheegay in dowladda ay ansixisay sharci doorasho oo u muuqda mid xilka lagu kororsanayo. Xaaf ayaa ku eedeeyey dowladda federaalka inay faro-gelin ku hayso maamulka Galmudug.

Dakhliga soo galey madaxweyne Trump sanad 2018ka oo la shaaciyey

VOA: Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa sameeyey dakhli ah 434 milyan oo dollar sanadii 2018, sida ku cad warbixin uu ugu gudbiyey Xafiiska Anshaxa Dowladda oo shaaca laga qaaday. Lacagtaas ayaa waxyar ka yar dakhligii madaxweynaha soo galay sanadii 2017 oo ahaa 450 milyan dollar. Trump ayaa dhaqaalahan ka sameeyey hantidiisa ma guurtada ah, sida hoteello iyo daaro kirooyin loogu jiro oo uu leeyahay, taasi oo dib usoo noolaysay su’aalaha ku sabsan in madaxweynaha uu lacag ka helayo dowlado ajnabi ah, isaga oo ka faa’iidaysanaya xilka uu ka hayo dowladda.

Hotel-ka Trump International Hotel ee magaalada Washington DC ayaa waxa uu madaxweynaha sanadii 2018 ka sameeyey 41 milyan oo dollar. Si kastaba, hoteellada madaxweynaha ayaan faa’iido wada sameyn, ayada oo hotelka Mar-a-Lago ee gobolka Florida, oo xiliiyada qabowga uu madaxweynaha ku nasto, uu dakhligiisa hoos u dhaca 2.5 milyan oo dollar oo uu ahaa 22.7 milyan dollar sanadii 2018. Hotel-ka Trump ee Washington oo la furay 2016, islamarkaana wax yar un u jira Aqalka Cad ayaa waxaa aad u adeegsaday diblomaasiyiinta ajnabiga iyo madaxda shirkadaha.

Arrintan ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan in madaxweynaha uu saraakiil ajnabi ah lacag ka sameynayo, isaga oo magaciisa madaxweynenimo ka faa’iideysanaya, waxaana dadka dhaliila ay sheegeen in dad badan ay hoteelkiisa usoo degayaan kaliya inuu leeyahay madaxweynaha.