Warar 18/07/2019

565

WARKA MADAXDIISII

  • Safaaradda Mareykanka ee Addis ayaa tababar dhanka saxaafadda ah u qabatey warbaahinta deegaanada dalka
  • Ra’iisul wasaaraha dalka, Dr Abiy Axmed, ayaa safar 2 casho ah ku tagey Asmara
  • Deegaanka Amxaarada oo bixiyey sharciyada mashruucyo maalgalineed oo ay ku baxeyso lacag ka badan 39 bilyan birr
  • BBC: Gaashaanbuurta NATO oo ka walaacsan awooda dhanka ciidanka ee dalka Ruushka
  • Aljazeera: MW Trump oo mar kale ku baaqey in Ilhan Cumar dib loogu celiyo meeshii ay ka timid oo ah dalka Soomaaliya
  • Marekanka oo sheegey inuu Turkiga ka gooyey saanad ciidan kadib markii uu Turkigu ka dhago-adaygey digniintii Mareykanka ee aheyd inuusan iibsan sawaariikhda Ruushka ee S-400
  • Guri uu dab qabsadey oo ay ku dhinteen ugu yaraan 13 ruux dalka Japan

WARKII OO FAAFAAHSAN

Ra’uusul wasaaraha dalka, Dr Abiy Axmed, ayaa safar 2 casho ah ku tagey Asmara

FBC: Ra’uusul wasaaraha dalka, Dr Abiy Axmed, ayaa safar labo casho ah ku tagey caasimadda Eritrea ee Asmara.  Dr Abiy iyo wafdigii uu hogaaminayey waxaa gagidda diyaaradaha ee Asmara kusoo dhoweeyey madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki, iyo madax kale oo ka tirsan xukuumadda dalkaas. Waxaa la filayaa in labada dowladood ay ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka labada dal si markaas loo ilaaliyo xasiloonida iyo horumarka Geeska Afrika. Waxaa kale oo ay warbaahintu sheegtey in wafdiga Itoobiya uu kamid ahaa Wasiirka Maaliyadda ahna Gudoomiyada XDS mudane Axmed Shide.

Marekanka oo sheegey inuu Turkiga ka gooyey saanad ciidan kadib markii uu Turkigu ka dhago-adaygey digniintii Mareykanka ee aheyd inuusan iibsan sawaariikhda Ruushka ee S-400

BBC: Maraykanka waxa uu sheegay in Turkiga si rasmi ah looga saaray dalalka ka faa’iideysanaya diyaaradaha dagaalka ee F-35 ee casriga ah ee uu Maraykanka soo saaro kadib markii Turkiga uu habka difaaca gantaalada cirka kasoo iibsaday dalka Ruushka. Maraykanku waxa uu rumeysan yahey in qalabkaas uu yahay mid basaas oo xogta ka xadi kara barnaamijka F-35. Ruushka ayaa bilaabay in uu Turkiga keeno hubka S-400 todobaadkii hore. S-400 waa magaca guud ee gantaalo kala duwan iyo raadaaro lagu illaaliyo hawada, balse nooc kasta oo uu Turkiga iibsanayo waxaa meesha ku jirta xaqiiqda ah in hubkan uusan la falgali karin habka nabadgelyada ee xulafada NATO.

Waxaa arrintan ka mid ah in habka raadaarka ee lagu difaacayo gantaalada dhulka laga hago iyo kuwa la iska soo liishaamo, balse dhibka jira ayaa waxuu yahay in ay NATO ka welwelsantahay in hubkan loo sameeyay qaabab ku jaan go’an hadba masaafada cirka ee uu gantaalka ku socdo iyo waliba nooca uu yahay, taas oo meesha ka saaraysa in la qiyaaso ama la xakameeyo khatartiisa.