Warar 20/05/2019

318

WARKA MADAXDIISII

  • Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika, Jacob Zuma, oo maxkamad lasoo taagey
  • Labada shacab ee Oromada iyo Gambella ayaa ubilowdey wadahadal nabadeed
  • Madasha shirarka ee Godey ayaa waxaa ka furmey qiimayn iyo isla xisaabtan lagu samaynayo maamulada 10-ka degmo ee gobalka Shabeelle
  • Shirkadda Boeing ayaa si rasmi ah u qiratey in qalad ku yimid nidaamka software-ka uu sababey dhicitaankii diyaaradihii 737 MAX ee Itoobiya & Indonesia
  • Sacuudiga ayaa isugu yeedhey ururka Jaamacadda Carabta si looga wada tashado arimaha khaliijka iyo hadidaad la sheegey iney uga timid dalka Iiraan
  • Trump oo soo soorey qorshe cusub oo uu ku xakameynayo qaxootiga Mareykanka isla markaana uu ku xulanayo oo kaliya da’yarta aqoonta leh ee ku hadli karta English-ka

WARKII OO FAAFAAHSAN

Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika, Jacob Zuma, oo maxkamad lasoo taagey

VOA: Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika, Jacob Zuma ayaa maanta maxkamad lasoo taagay isaga oo u dagaalamaya in eedeymo musuq maasuq oo ka dhan ah la baabi’iyo. Eedeymahan oo la xiriira heshiis hub oo dhacay sanadihii sagaashaamaadka, ayaa laga laabtay toban sano ka hor, waxyar un ka hor inta uusan Zuma noqon madaxweyne. 16 ka mid ah dacwadahan oo dib loo soo celiyey sanadii 2016, ayuu Zuma sheegay inay dhiiri-geliyeen arrimo siyaasadeed. Waxaa dacwadaha ka mid ah wax is-daba marin, dambiyo abaabulan, musuq-maasuq iyo been xalaaleyn lacag. Waxaa ku jira lacag qarsoon oo Zuma dib looga siiyey heshiis hub oo dhex maray Yurub iyo Koonfur Afrika. Wakiil ka tirsan shirkadda hubka ee Faransiiska ee Thales SA ayaa sidoo kale wajahaya eedyemo la mid ah kuwa Zuma. Zuma ayaa markii heshiiska uu dhacayey ahaa madaxweyne ku xigeen. Zuma iyo shirkadda Thales labadaba waa ay beeniyeen inay wax qalad ah sameeyeen, waxayna doonayaan in la joojiyo dacwaddan.

Sacuudiga ayaa isugu yeedhey ururka Jaamacadda Carabta si looga wada tashado arimaha khaliijka iyo hadidaad la sheegey iney uga timid dalka Iiraan

VOA: Dawladda Sucuudiga ayaa isugu yeertay shir degdeg ah oo ay yeeshaan waddamada ku jira ururka Jaamacadda Carabta iyo waddamada ku jira Golaha Iskaashiga Khaliijka. Sacuudiga ayaa ujeedada shirkan oo dhici doona 30-ka bishan May, ku sheegtay sidii ay dalalka Carabta uga arrinsan lahaayeen khilaafka sii dheeranaya ee u dhaxeeya Iran iyo Sacuudiga. Caasha Cuud ayaa arrimahan ka waraystay Cabdiqafaar Cabdi Wardheere oo ka faallooda arrimaha caalamiga ah.