Warar 21/05/2019

394

WARKA MADAXDIISII

  • Dr Abiy Axmed ayaa ka qeyb galey kulankii 2aad ee 100ka maalmood oo ah mid lagu qiimaynayo shaqooyinka wasaaradaha dalka
  • Shaqaalaha Wakaalada warbaahinta deegaanka oo qiimeyn lagu sameeyey
  • Roobab waaweyn oo ka da’ey meelo kal tirsan deegaanka iyo caasimadda Jigjiga
  • Dr Abiy ayaa qabtay xaflad-casho oo dhaqaale loogu aruurinayo “Dine for Sheger
  • Kenya oo dal-kugal u diiddey wasiiro iyo xildhibaanno Soomaaliyeed
  • Al-jazeera: Dalka Ciraaq oo garan la’ wuxuu ka yeeli lahaa isjiid-jiidka Mareykanka iyo dalka Iiraan

WARKII OO FAAFAAHSAN

Dr Abiy Axmed ayaa ka qeyb galey kulankii 2aad ee 100ka maalmood oo ah mid lagu qiimaynayo shaqooyinka wasaaradaha dalka

FBC: Ra’iisul wasaaraha dalka, Dr Abiy Ahmed, ayaa ka qeybgaley kulankii 2aad ee 100-ka maalmood kaasoo lagu qiimaynayo wasaaradaha dalka isla markaana lagu falanqeynayo shaqooyinka iyo isla xisaabtanka maamulada xafiisyada. Waxaa sidoo kale oo kulankan lagu turxaan bixinayey dhanka sharciyada iyo awoodda hirgalinta nidaamka ee wasaaradaha si markaas loo helo xog dhameystiran oo lagu saleeyay warbixin dhab ah. Sida la ogyahey, bishii January ayaa sidoo kale la qabtey kulan kan lamid ah oo lagu qiimaymaynayey shaqada iyo adeega wasaaradaha dalka.

Shaqaalaha wakaalada warbaahinta deegaanka oo qiimeyn lagu sameeyey

SRTV: Wakaalada warfaafinta dawlada deegaanka Soomaalida ayaa waxaa ka bilowdey kulan lagu qiimeynayo shaqaalaha wakaalada dhamaantood, taasi oo socon doonta maalmahan inagu soo fool leh. Waxaa ugu horeyn ka hadlay bilowgii qiimeynta shaqaalaha wakalaada maareeyaha guud ee wakalaada Cabdirisaaq Aadan Cadhays oo sheegay in ay tahay qiimeyntu mida lagu kala ogaan karo wax soo saarka qofka, waxa uu khaldey, iyo waxa uu saxey intaba. Waxaa sidoo kale ka hadlay madasha qiimeynta mas’uuliyiin kala duwan kuwaas oo sheegay in qiimayntu tahay mid lagu kala saarayo waxa wanaagsan iyo meelaha gaabisku uu ka jiro. Shaqalaha la qiimeeyey qaarkood oo ayaa iyaguna warbaahinta usheegey in qiimeyntani ahayd mid si dhexdhexaad ah u dhaceysay isla markaan ay tahay markii u horeysay ee qiimeyn noocan ah lagu sameeyo.

Dr Abiy ayaa qabtay xaflad-casho oo dhaqaale loogu aruurinayo “Dine for Sheger”

Wararka dalka ayaa sheegtey in maal-qabeenno Itoobiyaan ah ay bixiyey lacag gaadheysa ilaa 173,000 oo dollar, si ay uga qeyb galaan casho uu sameeyey Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed oo lacag loogu aruurinayey qurxinta magaalada caasimadda ah ee Addis-Ababa “Dine for Sheger”.  Mashruuca qurxinta Addis Ababa ayaa la sheegey inuu socon doono saddex sano waxaana la filayaa inuu sare uqaadi doono sumcadda caasimadda isla markaana uu soo jiidan doono dalxiisayaal faro badan. Mashruucan waxaa kamid ah in la dhireeyo dhammaan goobaha lagu nasto ee caasimadda kuwaas oo masaafadoodu gaadheyso 56 km oo isku wareeg ah iyadoo la sameynayo geedo, beero, darjiinooyin, iyo meelo ay dadku maraan ama ay ku kaxeeyaan baaskiilada. Goobahaas waxaa hareeraha loogu sameyn doonaa biyo iyo wabiyaal socda wuxuuna marshruucu ku kacayaa ilaa 1 bilyan dollar.

Kenya oo dal-kugal u diiddey wasiiro iyo xildhibaanno Soomaaliyeed

VOA: Dowladda Kenya ayaa dal-ku-gal (visa) u diidey xildhibaanno iyo wasiiro ka tirsan dowladda federaalka Soomaalaiya, kuwaas oo muddo saacado ah ku xannibnaa garoon ku yaalla Kenya, sida ay ila wareedyo u sheegeen VOA. Wasiir ku xigeenka wasaaradda tamarta iyo kheyraadka biyaha Cismaan Libaax Ibraahim, Ilyaas Cali Xasan, oo ka tirsan aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya iyo xubno kale, ayaa warar ay VOA heshay ay sheegayaan in ay ka mid ahaayeen xubno dowladda Soomaaliya ka tirsan oo loo diidey dal-ku-galka ay xubnahaas oo ahaa kuwo diblumaasiyiin ah oo sida caadiga ah ay Visa-da ka qaadan jireen garoomada Kenya. Cismaan Libaax oo VOA la hadlay ayaa sheegey in arrinkaasi ay jiro, balse uusan diyaar u aheyn in uu bixiyo wareysi. Waxa uu sidoo kale sheegey inay sugayaan dayaaraddii dib ugu celin laheyd Soomaaliya. Warka qaar ayaa sheegaya in ay xubnahani ay u socdeen ka qayb galaka shir saaka ka furmaya Nairobi oo ay si wada jir ah uga qayb galayaan Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, IGAD, Soomaaliya, Itoobiya iyo dalka Kenya. Dowlada Soomaaliya ayaan wali war rasmi ah ka soo saarin dhacadadan ay lakulmeen xubnaha dowladda Soomaaliya matalayey.

Maxaa muranka galiyey sharciga bartoolka?

VOA: Xildhibaannada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyey sharciga batroolka dalka. Aqalka Baarlamaanka oo maalmahan ka doodayey sharcigaasi ayaa la sheegay inay u qadaeen cod gacantaag ah, waxaana sharciga oggolaatay 150 xildhibaan, halka 4 keliya ay diideen. Haddaba sharicaga maanta la ansixiyey muxuu dhigayaa, maxaase sal u ah inuu sharcigan galo muran badan? Su’aalahaasi iyo kuwa kaleba waxa ay Sahra Cabdi Axmed waydiisey wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka Soomaaliya, Maxamuud Cabdulqaadir Hilaal oo ku sugan magaalada Muqdisho.