Warar 23/04/2019

347

WARKA MADAXDIISII

  • Ra’iisul wasaaraha dalka, Dr Abiy, ayaa safar ku tagey dalka Shiinaha si uu uga qeybgalo dood-cilmiyeed ku saabsan dhaqalaha oo ka dhaceysa caasimadda Beijing 
  • Itoobiya iyo Qatar ayaa ku heshiiyey iney sii xoojiyaan xiriirkooda dhanka shaqaalaha iyo xiriirka arimaha bulshada
  • Madaxweyne Mustafe Mux’ed Cumar oo dib ugu soo laabtey Jigjiga kadib safarkii uu ku soo marey Afdheer iyo Shabeelle
  • Kuxigeenka Madaxweynaha DDS oo kulan la qaatey madaxda sare ee xafiiska Jibriga
  • Somaliya: Madaxweyne Max’ed C/lahi Farmaajo ayaa safar ku tagey dalka Masar
  • Dhul-gariir ka dhacey dalka Philippine oo ay ku dhinteen ugu yaraan 11 ruux
  • Dalka Mareykanka oo sheegey inuu sii adkeynayo cunaqabateynta dalka Iiraan

WARKII OO FAAFAAHSAN

Madaxweyne Mustafe Mux’ed Cumar oo dib ugu soo laabtey Jigjiga kadib safarkii uu ku soo marey Afdheer iyo Shabeelle

SRTV: Madaxweynaha dawlada deegaanka Soomaalida mudane Mustafe Muxumed Cumar oo maalmihii aan soo dhaafney booqahso ku marayey deegaanada gobolada Qoraxey, Shabeele iyo Af-dheer ayaa dib ugu soo laabtey magaalada Jigjiga. Waftiga uu hogaaminayey madaxweynuhu ayaa intii uu socdaalka ku jirey waxuu madaxweynuhu dhagax dhigey mashaariic horu marineed sida Kuliyada farsmada ee Raaso, sidoo kale oo waxa uu degmooyinka Iimey bari iyo Iimey Galbeed waxa uu u balan qaadey in loo dhisi doono Kaabad isku xidha labada magaalo oo wabigu kala qaybiya. Sidoo kale waxaa uu kulamo muhiim ah la qaatey dadka deegaankaas ku dhaqan, waxaanu sheegey in uu wada hadal kala sameyn doono dadka ka cabanayey qaab-dhismeedkii xubnaha G/fulinta.

Kuxigeenka Madaxweynaha DDS oo kulan la qaatey madaxda sare ee xafiiska Jibriga

SRTV: Madaxweyne ku xigeenka dawlada deegaanka Soomaalida mudane Aadan Faarax Ibraahim ayaa kulan la qaatey madaxda laanta Jibriga ( Canshuuraha) ee heer federaal oo ay hogaaminaysay Marwo Misraaq. Waxaanu madaxweyne ku xigeenku ka waramey kulanka u la qaatey gudiga Jibriga waxaanu intaas ku darey in gudigani in uu wadanka guud ahaan ku leeyahay 14 laamood, Jigjigana waxa ay ka mid tahay mid ka mid ah laamahaas. Waxaanan ku balaney ayuu yidhi in dhalinyaro badan oo ka soo qalin jabisey jaamacada dalka in ay shaqaaleeyaan iyada oo dhalinteenu ay ku yar yihiin dadka ka shaqeeya laantan, sidoo kale waxaa la sameyn doonaa meelo ay badeecaduhu ka gudbaan ( Transit).