Warar 26/02/2019

208

WARKA MADAXDIISII

  • Xukuumadda Itoobiya oo sheegtey iney sameynayso nidaam cusub oo lagu tirakoobayo qurbojoogta ku sugan dalka dibadiisa
  • Kulan wadatashi ah oo ay madaxda ururka ONLF la yeesheen qaar kamid ah ganacsatada Addis Ababa
  • Wafdi ballaadhan oo ka socdey dalka Faransiiska oo lagu soo dhoweeyey Addis Ababa
  • Shil-gaadhi oo ka dhacey deegaanka Oromiya oo ay ku dhinteen 21 ruux
  • Taliyaha AFRICOM ayaa sheegey in 24-ka bishan ay dileen 35 xubnood oo Alshabab ah
  • Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa gaadhey Vietnam si uu ula kulmo Trump oo isagana la filayo inuu halkaas dhowaan gaadhi doono si loo bilaabo wareegii 2aad ee wadahadalka labada dal
  • India ayaa sheegtey iney weerar cirka ah ku qaadey xuduuda uu dalkeedu la leeyahey dalka Baakistaan haseyee wax war ah kama soo bixin dalka Baakistaan

WARKII OO FAAFAAHSAN

Xukuumadda Itoobiya ayaa sheegtey iney sameynayso nidaam cusub oo lagu tirakoobayo qurbojoogta ku sugan dalka dibadiisa

FBC: Xukuumadda Itoobiya ayaa sheegtey iney sameyneyso nidaam cusub oo kombiyuuter ah kaasoo lagu tirakoobayo qurbojoogta dalka ee ku sugan wadanka dibadiisa. Mas’uulka sare ee xafiiska arimaha qurbojoota, Selamawit Dawit, ayaa warbaahinta usheegey in adeegan cusub uu fursad weyn siin doono qurbojoogta iyo dowladda si markaas looga wada shaqeeyo horumarka dalka Itoobiya. Waxaa kale oo la sheegey in nidaamkan cusub ay gacanta ku heyn doonto wasaaradda arimaha dibadda. Bangiga Aduunka ayaa sheegey in qurbojoogtu ay wadamada soo koraya usoo diraan lacag gaadheysa ilaa $689 bilyan oo dollar, waxaana wadamadaas ugu horeeya India, Shiinaha, Philippines, Mexico, Nigeria, iyo Masar.

Kulan wadatashi ah oo ay madaxda ururka ONLF la yeesheen qaar kamid ah ganacsatada Addis Ababa

ONA: Madaxda sare ee ururka ONLF oo uu hogaaminayey Admiral Max’ed Cumar Cusman ayaa kulan la yeeshey qaar kamid ah ganacsatada, aqoonyahanka, iyo dhalinyarada ku dhaqan Addis Ababa. Kulankan ayaa la sheegey inuu ku saabsanaa in la xoojiyo xiriirka udhexeeya ururka iyo ganacsatada isla markaana ay madaxda jabhaddu ogaato xaaladda ay gacansatadu ku sugan yihiin iyo wixii cabashooyin ah ee dhankooda ka jira si markaas looga wada shaqeeyo sidii dhibaatooyinka loogala xaajoon lahaa cidii ay quseyso.  Sidoo kale, waxaa la sheegey in hadafka ugu weyn ee shirkani uu ahaa in la mideeyo awooda dadka Soomaliyeed isla markaana laga wada shaqeeyo nabadgalyada iyo horumarka deegaanka Soomaalida. Gudoomiyaha JWXO Adrimal Max’ed Cumar Cusman ayaa si weyn uga warbixiyey xaaladda guud ee dalka iyo deegaanka, iyo muhiimadda weyn ee ay leedahey wadajirka umadda. Sidoo kale, waxaa goobta ka hadlay Xoghayaha Arrimaha dibadda, Mudane Axmed Yassin sheikh Cabdi oo tilmaamay sida ay lagama maar-maanka u tahay in lala jaanqaado marxaladaha kala guurka ah ee guud ahaan Geeska Africa ka socda gaar ahaan Itoobiya, waxa uuna qeexay siyaasadda JWXO ay kula falgalayso isbadalladan ka hoortay Geeska Africa. Warbixin dheer ka dib ganacsatadu waxay su’aalo waydiiyeen madaxdii goobta joogtay iyada ooy musuulyiintu si waafiya uga jawaabeen, geesta kale qaar ka mid ahaa ganacsatada ayaa talooyin dhaxalgal ah u soo jeediyay madaxda JWXO iyada ooy hoggaamintu sheegtay inay qaadanayaan talooyinkan munaasabka ah.

Wafdi ballaadhan oo ka socdey dalka Faransiiska oo lagu soo dhoweeyey Addis Ababa

FBC: Wasiirul dowlaha arimaha dibadda, Mrs. Hirut Zemene ayaa waxey la kulantey, Mrs. Marielle De Sarnez, oo ah madaxa commission-ka ee Golaha Qaranka Faransiiska. Wafdigan Faransiiska ah ayaa sheegey iney doonayaan in lasii xoojiyo xiriirka labada dal isla markaana layska kaashado arimaha dhaqaalaha iyo maalgashiga ee labada dal. Dhanka kale, waxey wararku sheegeen in la filayo in madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, uu soo booqan doono dalka Itoobiya bisha soo socota ee March.

Taliyaha AFRICOM ayaa sheegey in 24-ka bishan ay dileen 35 xubnood oo Alshabab ah

VOA: Taliska ciidamada Mareykanka Afrika ee AFRICOM ayaa sheegay in 24-kii bishan ay duqeyn la beegsadeen kooxda Al-Shabaab meel 23 mile u jirta magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan. AFRICOM waxey kaloo sheegtay in duqeyntaasi lagu dilay 35 ka mid ah maleeshiyada kooxda Al-Shabaab, ayada oo wax khasaare ah aysan kasoo gaarin shacabka. Dhanka Al-shabab, ilaa iyo hadda kama soo bixin wax hadal ah oo ku saabsan arinkaas.

Shil gaadhi oo ka dhacey deegaanka Oromiya oo ay ku dhinteen 21 ruux 

FBC: Ugu yaraan 21 ruux ayaa ku dhimatey markii gaadhi minibus ah oo ay saarnaayeen uu kula qalibmey magaalada Nekemte oo ka tirsan deegaanka Oromiya. Gaadhigan waxaa saarnaa 22 ruux waxaana la sheegey inuu ka badbaadey hal ruux oo kaliya meesha 21kii kalena ay halkaas ku dhinteen. Waxaa kale oo la sheegey in Itoobiya ay kamid tahey wadamada ugu badan dhanka shilalka wadooyinka halkaas oo ay sanad waliba ku dhintaan dad badan.