Warar 27/02/2019

515

WARKA MADAXDIISII

  • Wasiirada Arimaha Dibadda ee IGAD oo uu kulan ballaadhan uga furmey dalka Jabuuti
  • Madaxdii ONLF ee ku sugneyd Addis Ababa oo dib ugu soo noqatey caasimadda Jigjiga
  • Mashaariicdii ururka Iskaashiga Islaamka ee la rabey in laga hirgaliyo Soomaaliya oo la sheegey in la musuqmaasuqey
  • Madaxweyne Burahi ayaa la sheegey inuu ku guuleystey doorashada dalka Nigeria
  • Baakistaan oo soo ridey 2 diyaaradood oo kuwa dagaalka ah oo ay leedahey India
  • Qaramada Midoobey oo sheegtey iney heleen kala badh lagactii ay ubaahnaayeen ee ay rabeen iney ku caawiyaan dalka Yemen
  • Dhowr nin ayaa loo qabtey iney ka dambeeyeen kufsigii iyo dilkii gabadhii yareyd ee 12 jirka aheyd ee lagu diley Gaalkacyo

WARKII OO FAAFAAHSAN

Wasiirada Arimaha Dibadda ee IGAD oo uu kulan ballaadhan uga furmey dalka Jabuuti

FBC: Kulanka wasiirada ee wadamada xubnaha ka ah IGAD ayaa ka furmey dalka Jabuuti, waxaana Itoobiya uga qeybgaley wasiirka arimaha dibadda, Dr. Workneh. Waxey wasiiradu ka wada hadleen dardar galinta dhaqaalaha, nabadgalyada, iyo iskaashiga dhinacyada badan ee u dhexeeya dowladaha IGAD. Waxaa kale oo ay sheegeen in iskaashigu uu horseedi karo nabadgalyo ka dhalata G/Afrika isla markaana lagaga hortago tartar siyaasadeed ama mid xuduudeed oo dhaliya isku dhac iyo kala fogaansho. Dhanka kale, wadanka Jarmalka ayaa wuxuu heshiis 34 million oo Euros ah la galey IGAD kaasoo lagu kobcinayo dhismaha kaabayaasha iyo cududa shaqaalaha.

Baakistaan oo soo ridey 2 diyaaradood oo kuwa dagaalka ah oo ay leedahey India

Aljazeera: Dalka Baakistaan ayaa sheegey inuu soo ridey 2 miig oo kuwa dagaalka ah oo laga leeyahey dalka dariska la ah ee India. Sidoo kale waxey wararku sheegeen iney qabteen 2 duuliye oo kamid ahaa kuwii diyaaradaha wadey isla markaana ay su’aalo weydiinayaan kusaabsan hadafkii loo soo direy ee ay usoo galeen hawada dalka Baakistaan. Sida la ogsoon yahey, labada dal ee Baakistaan iyo India ayaa waxey muddo dheer ku muransan yihiin deegaanka Kashmiir oo ay ku badan yihiin dad musliim ah isla markaana ay gacanta ku heyso India. Sidoo kale, dhowr casho kahor ayaa waxey India sheegtey iney duqeysay xuduuda ay la leedahey Baakistaan si ay uwiiqdo awooda kooxaha dagaalka kula jira ee sida ay sheegeen raba iney India ka xoreeyaan deegaanka Kashmiir. Haseyeeshee, Baakistaan ayaa sheegtey in duqeynta India ay tahey xadgudub weyn oo loo geystey shacabka Baakistaan ee dagan xuduuda dalkeeda taasina ay meel kaga dhacdey sharafkii dalka Baakistaan. Sidaas owgeed, waxey dowladda Baakistaan sheegtey iney si awood leh uga jawaabi doonto waqtiga munaasibka ah. Arinkan ayaa la filayaan inuu sii huriyo xiisadda dagaal ee labadan dal oo labadooduba ah kuwo heysta hubka khatarta ah ee Nukleerka.

Mashaariicdii ururka Iskaashiga Islaamka ee la rabey in laga hirgaliyo Soomaaliya oo la sheegey in la musuqmaasuqey

VOA: Mashaariicda uu Soomaaliya ka waday Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa la sheegey in si qaldan loo maamulay. Waxaa baadhitaan lagu ogaadey in mashaariic dhan $6.6 milyan inaan la hirgelin ilaa hadda in ka badan 5 sano. Waxaa kale oo la ogaaday in mashaariicda la musuqmaasuqay ee OIC ay qayb ka ahaayeen barnaamijyada horumarinta Soomaaliya oo ay maalgeliyeen hay’ado samafal oo laga leeyahay dalka Sucuudiga kuwaasi oo bixiyey $72 milyan oo dollar si mashaariicdaas oo lahaa saddex weji looga hirgeliyo Soomaaliya. Baaritaan gudaha ah oo uu sameeyey OIC waxaa eedaymo loo jeediyey Madaxii xafiiska OIC ee Soomaaliya Maxamed Iidle Sabriye iyo Madaxii Arirmaha Bani’aadminnimada ee OIC oo fadhigiisu yahay Jeddah Rami Inshasi. Labadaasi sarkaal ayaa midna la cayriyey kan kalana shaqadii laga wareejiyey. OIC waxay qirteen in mashaariicdooda Soomaaliya si xun loo maamulay, waxayse sheegeen inay isbeddello ku samaynayaan xafiiskooda Soomaaliya.

Warbixinta oo cod ah iyo VOA, Haaruun Macruuf