Warar 3/12/2018

327

WARKA MADAXDIISII

  • Cadaani Hirmooge oo sheegey in wadahalkii dhabta ahaa uu hadda ubilaabmi doono iyo iney booqan doonaan dhammaan 11ka gobol oo ay xafiisyo ka furan doonaan
  • Garoonka kubadda cagta ee Jigjiga oo si qaran loogu soo dhoweeyey madaxda ONLF oo uu hogaaminayo gudoomiyaha Admiral Max’ed Cumar Cusman iyo isagoo si weyn ugu mahadceliyey shacabka iyo xukuumadda DDS sida diiran ee ay usoo dhoweeyeen
  • Shiinaha iyo Mareykanka oo ku heshiiyey in la joojiyo dagaalka ganacsiga kadib kulankii Trump iyo Xi Jinping ee G20, Argentina
  • Erdogan iyo Max’ed bin Salman oo warbixin iska soo horjeeda siiyey madaxda G20 oo ku saabsan dilkii Jamal Khashoggi

WARKII OO FAAFAAHSAN

Garoonka kubadda cagta ee Jigjiga oo si qaran loogu soo dhoweeyey madaxda ONLF oo uu hogaaminayo gudoomiyaha Admiral Max’ed Cumar Cusman

Caasimadda Jigjiga ayaa waxaa Axadii 2/12/2018 si weyn loogu soo dhoweeyey madaxda ururka ONLF oo uu hogaaminayey  gudoomiyaha Admiral Max’ed Cumar Cusman. Wafdigan wuxuu Sabtidii soo gaadhey Addis ababa isagoo ka yimid caasimadda Eretria ee Asmara, waxaana halkaas kusoo dhoweeyey madaxda DDS oo uu hor ka cayey Madaxweyne Mustafe Mux’ed Cumar iyo Gudoomiyaha XDSHS Axmed Shide ahna wasiirka maaliyadda ee federalka. Gudoomiyaha ONLF ayaa isagoo ku sugan gaboorka Jigjiga la hadley warbaahinta BBC-da wuxuuna sheegey inuu si weyn ugu faraxsan yahey sida ballaadhan ee loogu soo dhoweeyey dhulkooda hooyo oo ay muddo badan ka maqnaayeen. Sidoo kale, wuxuu gudoomiyuhu sheegey in dowlada Itoobiya ay qaadey tallaabooyin wanaagsan oo ay kamid yihiin: 1) iney sii deysay dhammaan maxaabiistii xabsiyada ku jirey ee siyaasiyiinta ahaa 2) iney u aragtey ururadii halganka kula jirey ineysan aheyn argagixiso ee ay yihiin kuwo uhalgamayey xuquuqda shacabkooda, isla markaana ay xaq uleeyihiin iney deegaanadooda yimaadaan oo ay dadkooda isla markaana ay masiirkooda ka tashadaan. Dhanka kale, madaxweyne Mustafe ayaa isaguna warbaahinta BBC-da usheegey inuu ku safarxsan yahey in hogaaminta ONLF ay maanta ku sugan yihiin dhulkooda hooyo kadib muddo 30 sano ka badan oo ay dibadda ku maqnaayeen.

Dhanka kale, Af-hayeenka ururka ONLF, Cadaani Hirmooge, ayaa isaguna u waramey idaacadda VOA isla markaana sheegey in madaxda ururka ONLF loogu soo dhoweeyey Jigjiga si aad uweyn oo heer qaran ah. Sidoo kale, wuxuu Cadaani sheegey in madaxda goobtaas ku sugneyd ay isugu jireen kuwo ka kala yimid Soomaaliya iyo Kenya oo ay kamid yihiin: Senator Yusuf Xaji, Garissa Governer Cali Qorane, Governor Yusuf Xasan, Ambassador Max’ed Afey, Xildhibaan Axmed Xaashi Xidhkayoome. Sidoo kale, wuxuu Cadaani hadalkiisii raaciyey in xubnihii golaha dhexe iyo gudiigii fulinta ee ururka ONLF ay hadda badankood wada joogaan Jigjiga oo uu hogaaminayo Admiral Max’ed Cumar Cusman, Xoghayaha guud Abdirahman Mahdi. Dhanka dowladda, wuxuu sheegey inuu hogaaminayey soo dhoweyntooda Madaxweyne Mustafe Mux’ed Cumar oo ay weheliyaan golihiisa wasiirada, xubno ka tirsan baarlamaanka deegaanka, iyo waliba xubno ka tirsan baarlamaanka federalka Itoobiya.

Cadaani waxaa kale oo uu sheegey iney qaadi doonaan tallabooyinkan hoose:

  1. In la qabto shirweyne guud oo lagu mideynayo shacabka soomaliyeed kaasoo lagu magacaabey “Shirweynaha Mideyna Soomaaliyeed“.
  2. iney wada booqan doonaan 11ka gobal iyo 92-da degmo ee deegaanka isla markaana ay wadatashi la yeelan doonaan shacabka ayna xafiisyo ka wada furan doonaan
  3. Iney wadatashi iyo shirar kala duwan la yeelan doonaan ururada ay isbaheysiga la leenahey ee Oromada, Gambella, Sidamo, iyo Binshaguli 
  4. Iney wadahadal dhab ah oo dhinacyo badan isla markaana qoto dheer la yeelan doonaan dowladda federalka si markaas loo xaliyo arimaha aan wali laga wada xaajoon
  5. Iney sidoo kale dowladda Kililka la gali doonaan wadahadal kusaabsan arimaha dhaqaalaha, siyaasadda, iyo kuwa amniga intaba
  6. Waxaa kale oo uu Cadaani hadaladiisa raaciyey inuu hadda u bilaabmi doono “wadahadalkii runta ahaa“, wuxuuna sheegey iney arkaan midho fiican oo kasoo bixi kara maadaama uu hadda u muuqdo ifafaalo iyo yidadiilo wanaagsan

Erdogan iyo Max’ed bin Salman oo warbixin iska soo horjeeda siiyey madaxda G20 oo ku saabsan dilkii Jamal Khashoggi

Madaxweynaha dalka Turkiga, Erdogan, ayaa isagoo ka hadlaya kulankii Argentina ee G20 sheegey inuusan ku faraxsaneyn jawaab la’aanta Sacuudiga ee arinka dilka Jamal Khashoggi.  Sidoo kale, waxaa arinkaas soo hadal qaadey ra’iisul wasaaraha Kanada, Justin Trudeau oo isaguna sheegey ahmiyadda ay leedahey in lala xisaabtamo dadkii dilka geystey iyo kuwii ka dambeeyey intaba. Erdogan wuxuu mas’uuliyiinta Sucuudiga ku eedeeyay inay hayaan been iyo hadallo is-burinaya isla markaana ay war-wareejin badan wadaan iyo iney marba macluumaaad khalad ah oo aan la liqi Karin soo bandhigaan, iyagoo waliba diidey iney dalka Turkiga la wadaagaan xog sax ah oo lagu kalsoonaan karo. Hadalka Erdogan kahor ayaa la sheegey in dhaxalsugaha Sacuudiga, Max’ed bin Salman uu madaxda G20 usheegey arimo ku saabsan dilka Khashoggi, arinkaasina uu kaga cadheysiiyey Erdogan isla markaana uu ku qasbanaadey inuu isaguna goobtaas ka hadlo oo uu ka cadeeyo in warbixinta Max’ed bin Salman ay tahey mid aan sax aheyn.