Wararka 02/10/2018

466

GEESKA AFRIKA: ERETERIYA CUNAQABATEYNTA HA LAGA QAADO!!

Wasiirada arimaha dibadda ee dalalka Itoobiya, Djibouti, Soomaaliya, iyo Eretria ayaa waxey si wadajir qaramada midoobay uga codsadeen in cunoqabateynta laga qaado dalka Eretria maadaama uu dalkaasi heshiis la galey Itoobiya isla markaana soo afjarey colaadii mudada dheereyd ka taagneyd Geeska Afrika.  Sidoo kale, Eretria waxey codsatey in magdhow la siiyo maadaama cunaqabateyntii ay hoos uridey arimaha dhaqan-dhaqaale ee dalkeeda.

Dhanka Soomliaya, wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya Ahmed Ciise ayaa isaguna codsadey in Soomaaliya laga qaado cunoqabateynta xaga hubka ah si ay dowladu awood ugu yeelato iney ka guuleysato ururka Al-shabab.

BAH-WADAAGTA URURKA EPRDF OO SOO GABOGABEEYEY SHIRARKOODII!!

Labadii usbuuc ee lasoo dhaafey waxaa dalka ka socdey shirar kala duwan oo ay yeesheen ururada ku bahoobey ururka EPRDF ee TPLF, SEPDM, ADP, ODP.  Shirarka kala duwan ee ururadu waxey ahaayeen kuwo ay gooni-gooni uqabsadeen waxaana lagu falanqeeyey arimo kala duwan isla markaana waxaa fursado lagu siinayey xubno cusub oo dhalanyaro u badan. Haseyeeshee, shirarkaaas waxey kusoo hagaagey waqti xasaasi ah oo uu dalka marayo iyo waqti ay jiraan rabshado kala duman oo ka dhacey dalka kuwaas oo saameyn ku yeeshay horumarka dhaqan-dhaqaale ee dalka isla markaana walaac badan ku abuurtey wadamada caalamka gaar ahaan kuwo deeqda siiya Itoobiya ee sida gaarka ah udaneeyo isbadalka dimoqraadiyada iyo horumarka dalka Itoobiya.

RABSHADO LAGA SHEEGAYO DEEGAANKA BENSHANGUL

Idaacadda VOA ee Amhariga ayaa sheegtey iney rabshado cusub ka dheceen deegaanka Benshangul halkaas oo ay ku dhinteen dadka gaaraya ilaa 24 qof meesha dad badan oo kalena ay ku barakaceen. Waxaa kale oo ay wararku sheegayaan in dadka rabshadaha waday ay adeegsadeen hub iyo rasaas laakiiinse ay ciidamada dowladda federalka iyo kuwa deegaanka Benshangul ay ku guuleysteen in dadkaas ay ganacta ku dhigaan isla markaana ay deegaanka kusoo celiyaan xasilooni.