Wararka 04/03/2019

540

WARKA MADAXDIISII

  • Kulan saddex-geesood ah oo ay yeesheen hogaamiyayaasha Itoobiya, kenya, iyo Eretria
  • SRTV: Madaxweynaha DDS mudane Mustafe Muxumed Cumar iyo wafdigii uu hogaaminayay ayaa gaadhay magaalada Fiiq ee xarunta Gobolka Erar
  • Hogaaminta sare ee xukuumadda DDS ayaa waxey yeesheen kulan ballaadhan oo ula jeedkiisu ahaa xoojinta midnimada hogaamineed iyo dib u habaynta xisbiga XDSHSI
  • Bahda warfaafinta ururka ONLF oo kulan ku yeelatey caasimadda Jigjiga
  • Gobalka Alabama ee Mareykanka ayaa waxaa la sheegey iney ku dhinteen ugu yaraan 23 ruux kadib markii ay duufaano xoogan ku dhufteen kuwaas oo burbur weyn geystey
  • India ayaa la sheegey iney horyaalaan su’aalo badan oo la xiriira awoodeeda dhanka ciidamada kadib markii dalka Baakistaan uu kasoo ridey diyaarad-dagaal usbuucii hore
  • Madaxweyne Al-bashiir oo iska casiley xilka xisbiga NCP ee haya talada dalka Suudaan kuna wareejiyey ku xigeenkiisii Ahmed Mohamed Haroun, laakiinse la sheegey in shacabku doonayo inuu iska casilo xilka madaxweynaha

WARKII OO FAAFAAHSAN

Kulan saddex-geesood ah oo ay yeesheen hogaamiyayaasha Itoobiya, kenya, iyo Eretria

FBC: Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Dr Abiy Axmed, iyo Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa waxey gaadheen caasimadda Asmara ee dalka Eretria, waxaana gagida diyaaradaha ee Asmara kusoo dhoweeyey madaxweynaha Eretria, Isaias Afewerki. Kulankan saddex-geesoodka ah ayaa waxey madaxdu si wadajir ahba u falanqeeyeen arimaha Bariga Afrika gaar ahaan arimaha Geeska Afrika iyo sidii dowladuhu isaga kaashan lahaayeen dhanka siyaasadda, dhaqaalaha, iyo nabadgalyada. Kulankan ma aheyn mid lagu marti qaadey madaxda Soomaaliya, waxaana jirtey in Kenya ay xiriirka ujartey Soomaaliya kadib markey isku khilaafeen xuduuda dhanka badda. Sidoo kale, in kasta oo la filayo in madaxda Itoobiya iyo Eretria ay isku dayi doonaan iney dhexdhexaadiyaan Kenya iyo Soomaliya haseyeeshee wali lama sheegin warbixin rasmi ah oo sheegeysa in arimahaas ay madaxdu soo hadal qaadeen iyo in kale.

Hogaaminta sare ee xukuumadda DDS ayaa waxey yeesheen kulan ballaadhan oo ula jeedkiisu ahaa xoojinta midnimada hogaamineed iyo dib u habaynta xisbiga XDSHSI

SRTV: Kulan uu hogaaminayey madaxweyne ku xigeenka DDS, Mudane Aden Farah Ibrahim, ayaa wuxuu ka dhacey Jigjiga kaasoo lagu lafogurey arimo muhiim ah. Ujeedka kulankan ayaa wuxuu ahaa in lagu qeexo waxyaabihii xukuumadda uqabsoomey, dhibaatooyinka jira, iyo in laysla jeexjeexo jihooyinka mustaqbal la hiigsanayo. Mudane Aden Farah ayaa sheegey in isbadalku uu ahaa mid aan si sahal ah ku iman ee ay ka qeybqaateen dhammaan ururada kala duwan ee bulshada. Waxaa kale oo uu sheegey in waxyaabaha xukuumadda u qabsoomey ay kamid yihiin xuriyatul-qowlka iyo ilaalinta xuquuqaha dimoqraadiyadeed ee uu dastuurka dalku dhigayo, waxaana tababaro kala duwan loo sameeyey shaqalaha dowladda heer deegaan ilaa heer tuulo iyadoo dib u uhabeyn lagu sameeyey sharciyada, cadaaladda, iyo laamaha amniga.  Haseyeeshee, wuxuu mudane Aden Farah qirey iney jiraan dhaliilo iyo arimo laga gaabiyey oo ay xubnaha qaarkood aysan kasoo bixin xilalkii loo igmadey taasina ay keentey dib udhac ku yimaada adeeg-siinta bulshada. Dhanka kale, wuxuu mas’uulku hoosta ka xariiqey in shirweyne-xisbi la qaban doono muddo 20 cisho gudahood ah halkaas oo lagu soo dhisi doono gole dhexe iyo guddi fulin kuwaas oo lagusoo xulan doono aqoon iyo karti.  Ugu dambeyntii, wuxuu madaxweyne ku xigeenku sheegey in XDSHSI uu warqado udirey ururka EPRDF isla markaana lagu howlan yahey udiyaargarowgii kamid noqoshada ururka heer qaran ee EPRDF.

Bahda warfaafinta ururka ONLF oo kulan ku yeelatey caasimadda Jigjiga

ONA: Kulan si weyn loo soo agaasimey ayaa ka dhacey caasimadda Jigjiga kulankaas oo ay yeesheen madaxda sare ee bahda warfaafinta JWXO waxaa hogaaminayey mudane Xuseen Noor.  Sidoo kale, waxaa kulankan kasoo qeybgaley oo halkaas warbixin kasoo jeediyey hogaantii hore ee warfaafinta ahna hogaanka cusub ee cilmi baadhista JWXO, mudane Max’ed Ibraahim Mursal. Waxaa sidoo kale, laga munaaqashoodey sidii loo dardar galin lahaa arimaha wacyi galinta bulshada, xoojinta xiriirka JWXO & aqoonyahanka, iyo sidii loo nooleyn lahaa xiriir joogto ah oo lala yeesho taageerayaasha JWXO, gude iyo dibadba.