Wararka 04/10/2018

759

WARKA MADAXDIISII

  • DR ABIY OO SHIRKII EPRDF KAGA BAAQEY MIDNIMO, HORUMAR, IYO CADAALAD
  • GUDOOMIYAHA XDSHSI, MUDANE AHMED SHIDE, OO SHEEGAY IN XISBIGA SOOMAALIDU SI WEYN U GARAB-TAAGAN YAHEY URURKA EPRDF
  • NIN WARIYE AH OO SACUUDI AH OO LA LA’YAHEY IYO TURKIGA OO SHEEGEY INUU KU SUGAN YAHEY QUNSULIYADDA SACUUDIGA EE ISTAMBUUL.
  • GAROONKA AADEN CADE EE MOGADISHU OO SHAQO-JOOJIN LAGA SAMEEYEY

WARKII OO FAAHFAAHSAN

SHIRKII EPRDF EE HAWASSA IYO KHUDBADII DR ABIY AHMED

Ra’iisul wasaaraha dalka Dr. Abiy Axmed ahna gudoomiyaha ururka Oromada ee ODP ayaa ka hadley shirweynaha 11aad ee xisbiga EPRDF, wuxuuna ku baaqey in la ilaaliyo midnimada, horumarka, iyo cadaaladda. Waxaa kale oo uu hadalkiisa ku darey in dhammaan shucuubta Itoobiya ay u wada dhasheen dalka Itoobiya isla markaana ay dhammaantood wada yihiin isku xuquuq sidaas owgeed loo baahan yahey in loo gudbo marxalad cusub oo ku saleysan dimoqraadiyad iyo horumar waara. Sidoo kale, waxaa Dr Abiy hareeraha ka fadhiyey oo shir-gudoonka kamid ahaa Demeke Mekonnen oo matalayey xisbiga Amharada ee ADP, Muferiat Kamil oo mataleysa xisbiga shucuubta koonfureed ee SEPDM, iyo Dr. Debretsion Gebremicheal oo isaguna ka socday TPLF.

GUDOOMIYAHA XISBIGA XDSHSI OO GARAB SIIYEY EPRDF

Mudane Axmed Shide oo ah gudoomiyaha XDSHSI oo ku sugan HAWASSA oo ah goobta uu ka socdo shirka EPRDF ayaa warbaahinta usheegey inuu xisbiga Soomaalidu si weyn ugarab taagan yahey ururka EPRDF isla markaana uu taageerayo isbadalka cusub ee ka hanaqaadey dalka oo idil si markaas loo xaqiijiyo dimoqraadiyad iyo horumar dhab ah.

WARIYE SACUUDI AH OO LA LA’YAHEY IYO HADALO IS BURINAYA EE KASOO YEERAYA TURKIGA IYO SACUUDIGA.

Jamaal Khashoggi wuxuu ahaa nin mucaarad ku ah boqortooyada sacuudiga, wuxuuna ahaa nin wargiye ah isla markaana wax ku qora warbaahinka kala duman ee caalamka, wuxuuna ku sugnaa magaalada Istambuul. Haseyeeshee, si kadis ah ayaa loo waayey meel uu jaan iyo cidhib dhigey!! Turkigu waxey sheegeen in Jamaal uu ku sugan yahey qunsuliyadda sacuudiga ee Istambuul, haseyeeshee arinkaas waxaa beeniyey Sacuudiga oo sheegey ineysan ogeyn meel uu ninkaas ku sugan yahey. Mareykanka ayaa isaguna sheegey iney baadhitaan ku hayaan siday u ogaan lahaayeen meelsha uu Jamaal ku sugan yahey.  Sidoo kale, gabadh magaceeda qarisay oo la socotey Jamaal markii uu qunsuliyada Istambul galayey ayaa idaacadaha iyo booliska Tukriga usheegtey in Jamaal uu galey qunsuliyadda sacuudiga laakiinse uusan dib dambe uga soo bixin ayna banaanka ku sugeysay ilaa intii qunsuliyada laga xidhayey.

SHAQO-JOOJIN LAGA SAMEEYEY GAROONKA MOGADISHU

Shaqaalaha garoonka diyaaradaha ee Aaden Cadde ayaa waxey sameeyeen shaqo-joojin taas oo keentey in duulimaadyo badan ay dib u dhacaan kuwo kalena ka joojiyo. Gadoodkan waxaa keeney khilaaf muddo dheer soo socdey oo kusoo kala dhex jirey shirkadda garoonka maamusha iyo shaqaalaheeda kuwaasoo in badan ka cabanayey bixinta mushaaraadka. Sida la ogsoon yahey, laga soo bilaabo waqtigii awooda dalka laga tuurey xukuumadii Maxamed Siyad waxaa garoonka gacanka ku hayey oo isku badalayey kooxo kala duwan haseyeeshee mudadii la sameeyey dowladda federalka Somaliya ayaa waxaa garoonka lagu wareejiyey shirkad maamusha.