Wararka 05/02/2019

461

WARKA MADAXDIISII

  • Itoobiya oo u tacsiyeysay eheladii iyo qaraabadii ay ka dhinteen 57 ruux oo doon ay saarnaayeen kula gadoontey xeebaha Jabuuti
  • Jigjiga oo laga qaadey bandowgii saarnaa kadib markii laamaha ambigu ay dib uqiimeeyeen xaaladda nabadgalyo ee caasimadda
  • Wafdigii ONLF ee gobolka Jarar oo lasheegey inuu Gunagado shir ballaadhan ku qabtey
  • Aljazeera: Safaaradda Mareykanka ee Nairobi oo ka dhigtey iney dhici karaan in weeraro lala beegsado dadka ajnabiga ah & kuwo Reer Galbeedka ah ee kusugan Kenya
  • VOA: Trump oo caawa khudbad ujeedin doona shacabka Mareykanka iyo caalamka oo isha ku haya
  • Kulankii 32aad ee Midowga Afrika oo ka dhici doona caasimadda Addis Ababa

WARKII OO FAAFAAHSAN

Itoobiya oo u tacsiyeysay eheladii iyo qaraabadii ay ka dhinteen 57 ruux oo doon ay saarnaayeen kula gadoontey xeebaha Jabuuti

FBC: Wasaaradda Arimaha Dibadda ayaa utacsiyeysan eheladii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen ilaa 57 ruux oo tahriibayaal Itoobiyaan ah oo usbuucii hore ku dhintey Jabuuti. Hey’adda IOM ayaa usbuucii lasoo dhaafey sheegtey in labo doomood ay ku quuseen xeebaha Jabuuti isla markaana dad badan oo isugu jirey Itoobiyaan iyo Yemem meydkoodii lasoo saarey.  Dhanka kale waxey hey’adda IOM sheegtey in ugu yaraan 199 ruux oo jinsiyado kala duwan ah la helay meydkoodii.

Kulankii 32aad ee Midowga Afrika oo ka dhici doonaa caasimadda Addis Ababa

FBC: Booliska federalka Itoobiya ayaa sheegey in la dhameystirey udiyaar-garwogii kulan caadiga ah ee 32aad ee Midowga Afrika oo ka dhici doona Addis Ababa bishan febraayo 11-12ka. Ku-xigeenka madaxa booliska, Zelalem Mengiste, ayaa warbaahinta in sheegey in la qaadey dhammaan tallabooyinkii ugu haboonaa si kulankani unoqdo mid udhaca si habsami leh oo nabadgalyo ah.  Waxaa kale oo ay wararku sheegeen in kulankan ay yeelan doonaan madaxda Midowga Afrika uu noqon doono mid ay ku falanqeyn doonaan arimo ku saabsan dadka barakacayaasha ah iyo arimo kale oo quseeyo dalalka Afrika.