Wararka 06/02/2019

729

WARKA MADAXDIISII

  • Baarlamaanka federalka oo ansixiyey sharci lagu joojinayo in sigaar lagu cabo goobaha bulshada iyo xayeysiiska khamriga
  • Xafiiska ra’iisul wasaaraha oo magacaabey 41 xubnood oo ah guddiga dib u heshiisiinta
  • Trump oo sheegey inuu dib u bilaabi doono wadahadalka Kuuriyada Waqooyi bishan Feb
  • Erdogan oo sheegey inuusan jirin wax heshiis ah oo lagu qanci karo oo u dhexeeya dalkiisa iyo Mareykanka kaasoo ku saabsan arimaha Suuriya
  • Daily Nation: Colonel Abdisalam Adan Kurjow oo ahaa ku xigaha taliska ciidanka xooga dalka Soomaaliya oo lagu diley miino lagu qarxiyey gaadhigiisa
  • ONA: Madaxda ONLF oo ka qeybgashey kulan ay isugu yimaadeen ururada mucaaradka ah ee Itoobiya kadiiwaan gashan iyo Xisbiga Social Democratic ee wadanka Sweden ayaa lagu gorfeeyay fursadaha maanta Itoobiya kajira iyo sidii looga faa’iidaysan karo.

WARKII OO FAAFAAHSAN

Baarlamaanka federalka oo ansixiyey sharci lagu joojinayo in sigaar lagu cabo goobaha bulshada iyo xayeysiiska khamriga

FBC: Baarlamaanka Federalka ayaa ansixiyey sharci lagu joojinayo in sigaar lagu cabo goobaha ay bulshadu isugu yimaadaan ee ay ku badan yihiin. Sidoo kale, waxaa la joojiyey dacaayadda khamriga iyo in lagu soo bandhigo idaacadaha iyo TV-ga. Sharcigan cusub ayaa wuxuu sidoo kale reebayaa in ugu yaraan 100 mitir wax ka sokeeya goobaha bulshada ay ku kulmaan lagu cabo sigaar sida xarumaha caafimaadka iyo xarumaha dhalinta. Sidoo kale, wuxuu sharcigu joojinaya in khamri laga iibiyo ruux ay da’diisu ka yar tahey 21 sano.

Xafiiska ra’iisul wasaaraha oo magacaabey 41 xubnood oo ah guddiga dib u heshiisiinta

Xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa wuxuu magacaabey 41 xubnood oo isugu jira siyaasiyiin, aqoonyahanno, hogaamiyayaal diineed, sharci-yaqaanno, qorayaal, jilayaal iyo fanaaniin. Xubnahaas waxaa loo magacaabey iney noqdaan guddiga dib uhesiisiinta dalka. Xubnahan 41-ka ayaa la magacaabey kadib markii uu baarlamaanku ansixiyey in la sameeyo gole dib uheshiisiin si markaas loo xaliyo wixii khilaaf ah ee soo kala dhex gala shucuubta kala duwan ee dalka Itoobiya. Dhanka Soomaalida, waxaa la sheegey ineysan xubnahan ku jirin kuwo kasoo jeeda deegaanka Soomaalida.

Magacyada Xubnaha Golaha Cusub ee Dib u Heshiisiinta

1) Archbishop Abune Abraham (Orthodox)
2) Cardinal Berhane Eyesus (Catholic)
3) Mufti Haji Umer Idris (Islam)
4) Dr. Bete Mengistu (Evangelical)
5) Pastor Tesfaye Gabiso (Evangelical)
6) Ustaz Ahmedin Jebel (Islam Youth)
7) Tamiru Lega (Orthodox Youth)
8) Hailemariam Desalegne (former Prime Minister)
9) Dr. Mihret Debebe (thought leader)
10) Megabi Haddis Eshetu Alemayehu (thought leader)
11) laureate Dr. Tibebe Yemane Birhan (intellectual)
12) Prof. Beyene Petros (Intellectual, also one of opposition leaders in the country)
13) Dr. Abera Deresa (intellectual)
14) Dr. Ubah Adem (intellectual)
15) Professor Desta Hamto (intellectual)
16) Professor Assefa Hailemariam (Intellectual)
17) Dr. Dereje Gerefa (intellectual)
18) Debebe Eshetu (Artist)
19) Dr. Mussie Yacob (Author)
20) Mrs. Blen Sahlu(legal expert)
21) Tamirat Kidane Mariam (legal expert)
22) Prince Ras Mengesha Seyoum (elders)
23) Dr. Bogalech Gebre (Philanthropist)
24) Abate Kisho (Sidama elders)
25) Kao Demssie (elders)
26) Dr. Berhanu Nega (Politician)
27) Ayalneh Mulatu (Author)
28) Derartu Tulu (Ethiopian Athletics Federation)
29) Dr. Giday Zeratsion (politician)
30) Professor Ahmed Zekharia (intellectual)
31) Colonel Goshu Wolde (prominent figure)
32) Sultan Hanfere Alimirah (elders)
33) Gebregziabhier Gebremariam (Athlete)
34) Prince Be’edemariam Mekonen (prominent figure)
35) Mrs Tirhas Mezgebe (Philanthropist)
36) Mrs Yetnebersh Nigussie (prominent figure)
37) Darota Dejamo (prominent figure)
38) Aba Geda Gobena Holla (elders)
39) Dr. Hailemariam Kahsay (intellectual)
40) Dr. Zeresenay Alemseged (intellectual)
41) Dr. Solomon Ayele Derso (intellectual)

Xigasho: Borkena.com

Colonel Abdisalam Adan Kurjow oo ahaa ku xigaha taliska ciidanka xooga dalka Soomaaliya oo lagu diley miino lagu qarxiyey gaadhigiisa