Wararka 06/10/2018

483

WARKA MADAXDIISII

  • DR Abiy Ahmed OO LOO DOORTEY GUDOOMIYAHA XISBIGA EPRDF IYO DEMEKE MOKENNEN OO LOO DOORTEY KU XIGEENKA XISBIGA
  • MADAXWEYNE MUSTAFE MUXUMED CUMAR AYAA SHEEGEY IN XUKUUMADIISU KU HOWLAN TAHAY IN XISBIGA SOOMAALIDA UU KAMID NOQDO EPRDF
  • MUKHTAR ROOBOOW OO AL-SHABAB AHAA OO ISU SHARAXEY MADAXWEYNAHA KOONFUR GALBEED EE SOOMAALIYA
  • WEERAR LALA BEEGSADEY CIIDAMADA AMISOM EE MOGADISHU OO AY DHOW RUUX KU DHAAWACMEEN
  • ABAAL-MARINTA NOBEL PRICE OO LA GUDOONSIIYEY DR DENIS MUKWEGE & NADIA MURAD

WARKII OO FAAFAAHSAN

GO’AAMADII SHIRKII EPRDF IYO QODOBADDII KASOO BAXEY

Shirweynihii xisbiga EPRDF ee 11aad ee ka dhacey HAWASSA ayaa lasoo gabogabeeyey.  Dr Abiy Axmed ayaa helay 176 cod wuxuuna ku guuleystay inuu si rasmi ah unoqdo gudoomiyaha xisbiga ilaa inta laga gaadhayo shirweynaha kale oo dhici doona 2 sano kadib. Sidoo kale, Demeke Mokennen ayaa isaguna helay 149 cod, wuxuuna noqdey gudoomiye kuxigeenka xisbiga.

Waxaa shirweynaha kasoo baxey qodobadan hoose:

  1. Waxey dhammaan kasoo-qeybgalayaasha shirweynaha isla qireen iney jirto masuu’liyad weyn iyo kalsooni badan oo ay shacabu uqabaan xukuumadooda isla markaana ay utalo saarteen mustaqbalkoodii iyo in la gaadhsiiyo isbadal dhab ah iyo wadiiqo cusub oo dimoqraadiyad & horumarineed.
  2. Waxaa la arkey iney jirto baahi weyn oo loo qabo in la abuuro nidaam xisbiyo badan si markaas loo ballaadhiyo hirgalinta nidaamka dimoqraadiyadda isla markaana ay dadku u helaan xuquuqdoodii dastuuriga ahaa.
  3. In la xoojiyo tallaabooyinka kala duwan ee loo qaadayo dhinaca horumarinta dimoqraadiyadda iyo in fursado la siiyo dadka doonaya iney sameystaan xisbiyo siyaasadeed maadaama ay midaas tahey mid abuuri karta kaqeyb-qaadashada arimaha horumarinta iyo dimoqraadiyada dalka.
  4. Nidaamka federalku waa inuu sii xoojiyo awoodiisa iyo kala dambeynta asaasiga ah. Haseyeeshee, waxaa layla qirey iney jiraan xadgudubyo ay sameeyeen xisbiyada qaarkood oo lagu sameeyey sharciga iyo dhibaatooyin loo geystey xuquuqda shacabka. Sidaas ogeed, waxaa dhammaan laysla go’aamiyey in arinkaas la joojiyo isla markaana la ixtiraamo dastuurka iyo sareynta sharciga dalka, wixii khilaaf ahna lagu xaliyo si waafaqsan sharciga iyo dastuurka.
  5. Waxaa laysu raacey in la dardar gailyo oo loo wada shaqeeyo si adag, isla markaana la kobciyo dhaqaalaha iyo wax-soo-saarka dalka.
  6. Waxaa la wada qirey in dalku ay ka jiraan isku-dhacyo iyo rabshado kala duwan, sidaas ogeed waa in arimahaas lagaga hortagaa in ruux waliba ilaaliyo nabadgalyada, xasiloonida, iyo sareynta sharciga.
  7. Waxaa dhammaan laysku raacey in la sii xoojiyo hirgalinta isbadalka cusub ee ka curtey dalka oo dhan Isla markaana kor loo qaado dadaalka kala duwan ee ay dowladu wado si markaas loo gaadho horumar waara.

MADAXWEYNE MUSTAFE MUXUMED CUMAR AYAA SHEEGEY IN XUKUUMADIISU KU HOWLAN TAHAY IN XISBIGA SOOMAALIDA UU KAMID NOQDO EPRDF

MW Mudane oo wareysi siiyey SRTV ayaa sheegey in xukumadiisu ku howlan tahey kamid noqoshada xisbiga EPRDF, wuxuuna arinkaas sabab uga dhigey in deegaanku yahey midka ugu weyn Itoobiya, haseyeeshee uusan helin xuquuqdii uu ku lahaa dowladda federalka Itoobiya. Waxaa kale oo uu madaxweynuhu sheegey iney xukuumadiisu joogi doonto shir waliba oo uu qabanayo xisbiga EPRDF si markaas loola socdo waxyaabaha ka socda dalka isla markaana wadatashi joogto ah loola yeesho dowladda federalka ah iyadoo la ilaalinayo danta deegaanka iyo dadka DDS.

MUKHTAR ROOBOOW OO AL-SHABAB AHAA OO ISU SHARAXEY MADAXWEYNAHA KOONFUR GALBEED EE SOOMAALIYA

Mukhtaar Rooboow oo ah nin hogaamin jirey ururka argagaxisada ah ee Al-shabab ayaa wuxuu isu soo sharaxey xilka madaxweynenimada ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaailya. Rooboow wuxuu diidey qeyladii kasoo yeedhay dowladda federalka Soomaaliya oo iyagu ku gacan seydhey is sharaxiisa, waxeyna xukuumaddu sheegtey in Rooboow uusan buuxin shuruudihii looga baahnaa. Arinkan wuxuu dad badan ku noqdey “af-kala-qaad” sababtoo ah ma aheyn wax la filayey ama in ruux Al-shabab ka tirsanaa uu hadda madaxweyne isu soo sharaxo meesha ay dad badan ka filayeen inuu ninkaasi iyo kuwa lamidka ahba ay xabsiga ku jiraan. Dadka qaar ayaa waxey leeyihiin arinkan wuxuu tusaale uayahey in dowladda federalka Somaliya, ee uu hogaaminayo Farmaajo, ay tahey mid fadhiid ah oo aan wax awood ah ku laheyn deegaamada dalka. Dhanka kale, dad ayaa waxey leeyihiin waa in fursad loo siiyo Al-shabab iney dowladda federalka kamid noqdaan si markaas loo soo af-jaro dhibaatada iyo qaraxa badan ee maalin walba ka dhaca caasimada Mogadishu iyo dalka oo dhan.

WEERAR LALA BEEGSADEY CIIDAMADA AMISOM EE MOGADISHU OO AY DHOW RUUX KU DHAAWACMEEN

Wararka caalamka ayaa waxey sheegayaan in ciidamada AMISOM ee caasimadda Soomaaliya Mogadishu in lala beegsadey qarax weyn iyagoo maraya wado ku dhextaala magaalada Mogadishu, haseyeeshee uusan qaraxaasi geysan waxyeelo badan oo dhimasho leh ee ay ku dhaawacmeen dhowr ruux oo kaliya. Sida muuqata, waxaa maalmahan magaalada Mogadishu kusoo badanayey qaraxyada iyo weerarada lagu hayo ciidamada AMISOM iyo ciidamada dowladda, waxeyna dad badan isweynayaan sababta keentey in dowladda federalku ay waxba uga qaban la’dahey!! Baarlamaanka Soomaliya ayaa doodo dheer kagaley arinkan waxey xubnaha qaarkood si toos ugu eedeeyeen dowladda federalka iney ku guuldareysatey howlaheedii ugu muhiimsanaa ee ahaa in la ilaaliyo nabadgalyada Mogadishu.