Wararka 09/10/2018

486

WARKA MADAXDIISII

  • Itoobiya oo ogolaatey in dalalka Afrikaanka ah ay fiiso (Visa) la’aan kusoo galaan
  • Israa’iil oo 1,000 ruux oo Falaasha ah ka dhoofineysa Itoobiya oo geyneysa Israa’iil
  • Itoobiya oo dib ugu ogolaatey in shaqaalaha guryaha loo dhoofiyo Gacanka Khaliijka
  • Madaxweynihii hore ee deegaanka Cabdi Maxamud oo maxkamad la keenay markii 3aad

WARKII OO FAAFAAHSAN

Itoobiya oo ogolaatey in dalalka Afrikaanka ah ay fiiso la’aan kusoo galaan

Madaxweynaha Itoobiya Mulatu Teshame ayaa isagoo baarlamaanka Itoobiya la hadlaya sheegey in Itoobiya u ogolaatey wadamada Afrikaanka ah iney fiiso la’aan kusoo galaan iyagoo aan lagu shardiyeyn iney wadamadooda fiisooyin kasoo qaataan. Wuxuu madaxweynuhu hadalkiisa ku darey in fiisooyinka ay dadku ka qaadan karaan markey kasoo dagaan gagida diyaaradaha ee Bole International Airport. Waxaa la filayaa in arinkani uu dardar galin doono isu-socodka iyo ganacsiga u dhexeeya wadamada Afrika iyo Itoobiya maadaama Itoobiya ay xarun muhiim ah utahey Midowga Afrika isla markaana ay halbowle utahey dhaqdhaqaaqa ganacsiga, siyaasadda, iyo nabadgalyada Geeska Afrika.

Israa’iil oo 1,000 ruux oo Falaasha ah ka dhoofineysa Itoobiya oo geyneysa dalka Israa’iil

Dalka Israa’iil ayaa sheegey inuu diyaar uyahey inuu Itoobiya ka dhoofiyo ilaa 1,000 ruux oo Falaasha ah kuwaas oo lageyn doono dalka Israa’iil maadaama oo la sheego in asal ahaan ay kasoo jeedaan dalka Israa’iil. Dadka Itoobiyaanka ah ee ku sugan Israa’iil ayaa lagu qiyaasaa iney gaarayaan 130,000kun oo ruux kuwaas oo shaqooyin kala duwan ka qabta halkaas, haseyeeshee waxey dad badani sheegaan iney jiraan gacan-bidixeyn badan iyo cunsuriyad ay kala kulmaan halkaas oo aan loola dhaqmin sida dadka kale ee Israa’iiliyiinta ah.

Madaxweynihii hore ee deegaanka CMC oo maxkamad la keenay markii 3aad 

Shaley 08/10/2018 ayaa maxkamad kutaala Addis Ababa, markii 3aad, lasoo istaajiyey madaxweyhii hore ee deegaanka Cabdi Maxamud Cumar, waxaana mar kale lagu eedeeyey inuu geystay falal ka dhan ah xuquuqul-insaanka isla markaana uu ka dambeeyey isku dhaca qowmiyadaha kala duwan ee deegaanka, kaniisado la gubey, iyo inuu abuurey kooxda HEEGO oo iyadu lagu eedeeyey iney qulqulato badan ka geysatey deegaanka oo idil.  Maxkamaddu waxey go’aamisay in 10 casho kadib lagu soo celiyo, isla markaana la keeno cadeymo kala duwan iyo marqaatiyaal si markaas CMC loogu rido xukunka uu muteystay. Ilaa iyo hadda lama oga go’aamada ay maxkamaddu qaadan doonto, haseyeeshee waxaa xaqiiqo ah in eedeymaha loo soo jeediyey CMC ay yihiin kuwo adag, waxaana xaqiiqo ah in dad badan, gude iyo dibadba, ay sugayaan iney ogaadaan xukunka maxkamadda iyo go’aanka ay qaadan doonto.