Wararka 1/12/2018

537

WARKA MADAXDIISII

  • Xukuumadda DDS oo uu hogaaminayo MW Mustafe ayaa si weyn Addis Ababa si weyn ugu soo dhoweysey gudoomiyaha ONLF iyo wafdigii ballaadhan oo saaka yimid dalka
  • Xafiiska ra’iisul wasaaraha oo sheegey in isbadalka dalku uu si weyn usoo jiitey caalamka
  • Madaxweynihii hore ee Mareykanka George HW Bush oo xaley geeriyoodey
  • Uhuru oo sheegey in ciidamada Kenya ay sii joogi doonaan Soomaaliya inta ay ka gaadhayaan hadafkii ay u tageen Soomaaliya
  • Doorashada Koonfur Galbeed Soomaaliya oo 5 casho oo kaliya ka harsan tahey iyo ciidamo ay dowladda federalka Soomaaliya geysay magaalada Baydhaba

WARKII OO FAAFAAHSAN

Xukuumadda DDS oo uu hogaaminayo MW Mustafe ayaa si weyn Addis Ababa si weyn ugu soo dhoweysey gudoomiyaha ONLF iyo wafdigii ballaadhan oo saaka yimid dalka

Waxaa saaka magaalada Addis Ababa si weyn loogu soo dhoweeyey waqdi uu hogaaminayey gudoomiyaha ururka ONLF, Admiral Max’ed Cumar Cusman. Wafdigan ballaadhan waxaa gagida diyaaradaha ee Bole International Airport kaga hor tagey oo si diiran ugu soo dhoweeyey madax ka tirsan xukuumadda DDS oo uu hogaaminayey Madaxweyne Mustafe Mux’ed Cumar. Sidoo kale, waxaa halkaas ku sugnaa dad aad u badan oo Soomaali ah kuwaas oo si qurux badan ugu soo labistey callanka ONLF oo ka kala yimid deegaanka, Addis Ababa, iyo dalka dibadiisa intaba. Sidoo kale, waxaa halkaas ku sugnaa madax Soomali ah oo ka yimid dalka Kenya kuwaas oo sheegey iney uyimaadeen iney si diiran usoo dhoweeyaan gudoomiyaha ONLF iyo wafdiga uu hogaaminayo oo muddo dheer ka maqnaa dhulkooda hooyo. Waxaa la filayaa in wafdigan uu ku hakan doono magaalada Addis ababa kadibna uu ukicitimi doono deegaanka DDS halkaas oo la filayo in si qaran loogu soo dhoweyn doono.

 

 

 

 

Xafiiska ra’iisul wasaaraha oo sheegey in isbadalka dalku uu si weyn usoo jiitey caalamka

Warbaahinta FBC oo kasoo xiganeysa xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa sheegtey in isbadalka dalka ee bilihii ugu dambeeyey uu saameyn weyn oo wanaagsan ku sameeyey sumcadda xukuumadda iyo soo jiidashada dowladaha dibadda, gaar ahaan kuwa xiiseynaya maalgashiga iyo la shaqeynta xukuumadda Itoobiya. Arinkaas waxaa warbaahinta usheegtey xog-heynta xasiifka ra’iisul wasaaraha, Billene Seyoum. Sidoo kale, waxey sheegtey in kulankii uu dhowaan Dr Abiy la yeeshey ururada mucaaradka uu ahaa mid si weyn loo qadariyey dal iyo dibadba, isla markaana caddeeyey sida ay xukuumaddu uga go’an tahey in wax weyn laga badalo hab-dhaqanka iyo siyaasadaha dalka.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka George HW Bush oo xaley geeriyoodey

Madaxweynihii hore ee Mareykanka George HW Bush oo ahaa 94 jir ayaa xaley geeriyoodey, waxaana arinkaas sheegey nin u hadley qoyska Bush. Madaxweyne Bush waxaa 8 biloow kahor video laga soo duubey isagoo uu wiilkiisa ku riixayo kursi oo la socdey janaasadda xaaskiisii aheyd, Barbara Bush, oo markaas iyaduna geeriyootey. Waxyaabaha lagu xasuusto Bush ayaa waxaa la sheegey inuu kamid ahaa dagaalkii uu Ciraaq ku qaadey ee uu kaga soo saarey dalka Kuwait 1990kii.