Wararka 11/10/2018

315

WARKA MADAXDIISII

  • Ciidamada gaarka ah (koofiyad-cas) ayaa socod ku tagtey xafiiska RW Dr Abiy Axmed waxeyna ka codsadeen in mushaarka loo kordhiyo.
  • Madaxweynaha Itoobiya Dr. Mulatu Teshome oo safar ku tagey dalka Turkiga
  • Madax sare oo Mareykan ah oo ka codsadey Mr Trump in Sacuudiga cunaqabateyn degdeg ah la saaro

WARKII OO FAAFAAHSAN

Ciidamada gaarka ah ee koofiyad-casta ayaa socod ku tagey xafiiska RW Dr Abiy

Ra’iisul Wasaaraha DR Abiy Axmed ayaa qaabilay xubno ka tirsan ciidamada gaarka ah (koofiyad-cas) kuwaas oo socod ku yimid xafiiska Ra’iisul wasaaraha isla markaana dalbadey in mushaarka loo kordhiyo, maadaama uusan ku filneyn. Ciidamadan ayaa socod dheer kagasoo bilaabey xeryahooda isla markaana ku yimid xafiiska ra’iisul wasaaraha, taasi oo dad badan ku abuurtey walwal isla markaana aragtiyo kala duwan laga kala bixiyey, gaar ahaan baraha bulshada. Haseyeeshee, ra’iisul wasaaraha dalka oo la hadlay idaacadaha dalka iyo warbaahinta kala duwan ayaa sheegey in arimaha lagu faafiyey baraha bulshada ay yihiin kuwa aan waxba ka jirin ee ay ciidamadu u yimaadeen xafiiskiisa iney baahidooda usheegtaan oo mushaarka loo kordhiyo, arinkaana wuxuu ku dhamaadey is afgarad fiican. Kulankan ciidanka ayaa waxaa kale oo kasoo qeybgaley RW xigeenka Demeke Mokennen. Sidoo kale, Dr Abiy wuxuu sheegey in dowladdu ay ka jawaabi doonto dhibaatooyinka ciidanka, macalimiinta, iyo shaqalaha isbitaalada intaba. Haseyeeshee, wuxuu hadalkiisa ku darey iney adag tahey in ruux walba la buuxiyo baahidiisa maadaama dalku uu yahey mid faqiir ah.

Madaxweynaha Itoobiya Dr. Mulatu Teshome oo safar ku tagey dalka Turkiga

Madaxweynaha dalka Itoobiya Dr. Mulatu Teshome ayaa safar rasmi ah ku tagey dalka Turkiga halkaas oo uu si diiran ugu soo dhoweeyey madaxweynaha Turkiga, Teyyip Erdogan. Dr Mulatu ayaa si weyn u ammaaney xiriirka wanaagsan ee uu Turkigu la leeyahey dalalka Afrika, gaar ahaan Itoobiya. Waxey wararku sheegayaan in Turkigu uu Itoobiya usoo dhoofiyo ganacsi ka badan ilaa $440 million sanadkii, isla markaana oo ka khoofiyo Itoobiya ilaa $36million.

Madax sare oo Mareykan ah oo codsatey in Sacuudiga cunaqabateyn la saaro

Madaxweynaha Mareykanka, Trump, ayaa sheegey in arinka dilka Jamal Khashuggi uu yahey mid aad u xun, isla markaana ay dowladiisu xiriir la sameysay masuuliyiinta ugu sareysa ee Sacuudiga si loo ogaado xaqiiqada dhabta ah iyo meesha uu ku dambeeyey Jamal. Dhinaca kale, mas’uuliyiin sare oo ah Senaters ayaa qoraal u gudbiyey Trump iyagoo kaga codsadey in Sacuudiga cunaqabateyn degdeg ah lagu soo rogo, waa haddii ay dhab noqoto arinka sida weyn loogu tuhunsan yahey ee ah dilka foosha xun ee Jamal Khashuggi.  Sidoo kale, wargeyska Washington Post ayaa dhowaan soo saartey macluumaad cusub oo sheegeysa in horaan ay xukuumadda sacuudigu isugu deyday iney Khashuggi ka dhoofiyaan Mareykanka isla markaana geeyaan sacuudiga si markaas ay u dilaan, laakiinse aysan midaas u hirgalin. Sidaas owgeed, xogtan cusub ay noqon karto daliil cusub iyo in Sacuudigu, gaar ahaan Mohamed bin Salmaan, uu yahey ninka amarka ku bixiyey dilka Khashuggi. Waxaa la sheegayaa in Trump ay lasoo gudboonaatey arin adag, waxaana dhinac walba uga imanaya culeys aad ubadan, sababtoo ah waxaa la rumeysan yahey in dhaqaalaha badan ee uu ka qaadan jirey Sacuudiga uu yahey arinka kusii dhiirigaliyey in sacuudigu geystaan dhibaatooyin noocan oo kale ah iyo dil loo geysto ruux ku sugan wadan kale.  Marka Mr Trump wuxuu ku jiraa “labo daran mid dooro”: in sacuudiga uu umuujiyo colaad cusub iyo uwaji-kaduudin oo uu halkaas ku waayo saaxiibtinimadii iyo dhaqaalihii badnaa ee uu ka heli jirey, iyo inuu dhabarka usii jeediyo dadkiisa Mareykanka ah oo uu halkaas ku waayo kalsoonidoodii isla markaana ku guuldareysto doorashada soo socota ee Mareykanka.