Wararka 13/11/2018

555

WARKA MADAXDIISII

  • Xeer ilaaliyaha Guud ee Itoobiya, Birhanu Tsegaye, ayaa sheegey in xabsiga loo taxaabey ilaa 63 ruux oo ay qaarkood ka tirsanaayeen sirdoonka dalka
  • Maciishada deegaanka DDS oo la sheegey iney hoos udhacdey ilaa 20%
  • Diyaaradaha caalamiga ah ee uduulaya Mogadishu oo sii kordhaya
  • Erdogan oo sheegey inuu Trump usheegey in amarka dilka Jamal Khashoggi uu kasoo fuley madaxda sare ee Sacuudiga ayna tahey in ruuxaas cadaaladda la horgeeyo
  • Israa’iil oo 7 ruux ku dishey Gaza iyo Hamaz oo ilaa 300 oo gantaalo ku tuurtey tuulooyinka Israa’iil ee ku hareereysan xuduudda
  • Ethiopian Airline oo soo iibsatey diyaarado nooca xamuulka ah CARGO B777 Aircraft
  • Dab weyn oo ku faafey duurka weyn ee California oo ay ku dhinteen 42 ruux, waxaana lagu tilmaamey kii ugu dhimashada badnaa Mareykanka
  • Dakhaatiir ajnabi ah oo Hargeysa ka bilaabey iney ragga biidaarta leh timo u abuuraan

WARKII OO FAAFAAHSAN

Xeer ilaaliyaha Guud ee Itoobiya, Birhanu Tsegaye, ayaa sheegey in xabsiga loo taxaabey ilaa 63 ruux oo ay qaarkood ka tirsanaayeen sirdoonka dalka

Xeer ilaaliyaha Guud ee Itoobiya, Birhanu Tsegaye, ayaa warbaahinta dalka iyo midda caalamka usheegey in booliska federalku uu xabsiga utaxaabey ilaa 63 ruux oo ay qaarkood ahaayeen madaxdii sare iyo saraakiishii sirdoonka ee hore. Waxaa kale oo uu xeer ilaaliyuhu warbaahinta usheegey iney xubnahan sirdoonku ay maxaabiista ugeysan jireen tacadiyo aad ufoolxun oo ka dhan ah xuquuqul-insaanka. Waxaa kale oo uu sheegey in Addis Ababa ay laheyd ilaa 7 goob oo gaar u ah sirdoonka, goobahaas oo dadka si sharci daro ah loogu xareeyn jirey iyagoon la siin wax xuquuq ah, waxaana maxaabiista lagu ciqaabi jirey waxyaabo kala duwan sida: in koronto dab leh lagu qabto, in biyo lagu bakhtiiyo, cadceeda oo loo diido waqti dheer, habeenkii oo duurka la geeyo iyagoo qaawan oo kaligood ah, sanka oo qalin laga galiyo, kufsi loo geysto, ciddiyaha oo xoog looga saaro, iyo xabadda oo agtooda lagu rido si loo argagax galiyo. Waxaa kale oo uu xeer ilaaliyahu sheegey in arinkan uu ahaa mid dhaqan unoqdey sirdoonka oo ay u arkeen wax sharci u ah oo ay caadeysteen. Waxaa kale oo uu xeer ilaaliyahu hadalkiisa ku darey iney jiraan xubno ilaa 63 ruux ah oo arinkan daraadii loo soo qabtey, isla markaana ay dowladdu soo qaban doonto kuwa kale meel kasta oo ay ku sugan yihiin.  Mar su’aal laga weydiiyey cidda sirdoonka madaxda u aheyd ee uu tilmaamyo ayaa wuxuu ku jawaabey: “Waad wada ogtihiin cida sirdoonka madaxda u aheyd umana baahna in lasii faafaahiyo hadda“. Dhanka kale, hey’adda Amnesty International ayaa si weyn usoo dhoweysay tallaabada ay qaadey dowladda Itoobiya waxeyna ku tilmaantey iney tahey mid lagu muujinayo cadcadaan dhan ah iyo in sharciga la ilaaliyo isla markaana aan lagu xadgudbin xuquul-insaanka.

Maciishada deegaanka oo la sheegey iney hoos udhacdey ilaa 20% gaar ahaan magaalooyinka waaweyn

Waxey wararku sheegayaan in maciishadda deegaanku ay bilihii la soo dhaafey hoos udhacdey, gaar ahaan dhanka cuntada aasaasiga ah sida: Sonkorta, Baastada, Bariiska, Saliida, iyo Burka.  Sida la sheegayo waxaa arinkan sabab ah dadka oo fursad u helay iney raashinka kasoo galiyaan meelo kala duwan iyagoo oo aan cidba ka cabsoon, isla markaana ay heleen canshuur-dhaaf ku filan. Waxaa kale oo ay wararku sheegayaan in furfuritaanka ganacsiga kala duwan uu isaguna qeyb weyn ka qaatey iney ganacsatadu ku tartamaan sidey bulshada ugu keeni lahaayeen raashin jaban oo tayo leh. Si kastaba ha ahaatee, waxey dad kala duwan oo aanu la xiriirney noo xaqiijiyeen in isbadal weyn laga dareemayo dhammaan deegaanka gaar ahaan dhanka suuqa ganacsiga taasina ay tahey yiidadiilo fiican. Dhanka kale, waxey dadku sheegeen in dhanka nabadgalyada ay sii fiicnaaneyso markii laga reebo isku dhacyo yaryar ee ka dhaca goobaha ka fog magaalooyinka iyo soohdimada beelaha qaarkood.

Diyaaradaha caalamiga ah ee duulimaadka u sameynaya Mogadishu oo sii kordhaya

Dhowr maalmood ka hor ayey aheyd waqtigii ay Ethiopain Airline shaaca ka qaadey iney duulimaad cusub oo ah ilaa 3 jeer usbuucii ay ku tagi doonto Mogadishu kadib muddo 41 sano ah oo ay labada dal kala xidhnaayeen. Sidoo kale, wuxuu maamulka sare ee Kenyan Airways warbaahinta usheegey iney bishan November bilaabi doonaan duulimaad maalinle ah oo ay ku tagi doonaan Mogadishu. Sida la ogsoon yahey waxaa horaan duulimaadka Soomaaliya ka shaqeyn jirey shirkado yaryar oo ay leeyihiin dad ganacsato ah oo Soomaali ah kuwaas oo adeegsan jirey diyaarado aan tayo badan laheyn oo ay soo kireysan jireen. Waxaa la sheegayaa in go’aan shirkadaha caalamiga ahi uu yahey mid yimid kadib markii ay ku qanceen nimaad nabadgalyo ee Airport-ka Mogadishu ee Aden Cade iyo qaabka baadhitaanka loo sameeyo iyadoo la adeegsado qalab casri ah iyo waliba eyda urisa waxyaabaha qarxa.