Wararka 15/12/2018

462

WARKA MADAXDIISII

  • Madaxweynihii hore ee Itoobiya,¬†Girma Woldegiorgis, oo xalay geeriyoodey
  • Dr Abiy oo shacabka Itoobiya uga tacsiyeeyey geerida Girma Woldegiorgis
  • Maxkamadda ciidanka ayaa xabsi gaadhaya 14 sano ku xukuntey ilaa 66 askari iyo sarkaal oo kamid ah kuwii bishii oktober lugta ku tagey xafiiska ra’iisul wasaaraha dalka
  • AMISOM Soomaaliya oo sheegtey ineysan lug ku lahey xariga Mukhtar Rooboow
  • BBC: Sacuudiga oo ku dhawaaqey inuu la dagaalayo gabadha Soomalida ah ee dhowaan ku guuleysatey Kongress-ka Mareykanka, Ilhan Cumar
  • Madaxweyne Farmaajo ayaa si weyn u bogaadiyey booqashada madaxweynaha Eretria ee Soomaaliya isla markaana ku tilmaamey mid taariikhi ah

WARKII OO FAAFAAHSAN

Madaxweynihii hore ee Itoobiya, Girma Woldegiorgis, oo geeriyoodey

Warbaahinta FBC ayaa sheegtey in Girma Woldegiorgis oo horaan usoo noqdey madaxweynaha Itoobiya 2001 ilaa 2013 inuu xalay geeriyoodey. Girma wuxuu jirey 94 sano wuxuuna ku dhashey Addis Ababa sanadkii 1924-tii. Sidoo kale, waxey warbaahintu sheegtey in xaaskiisa ay iyaduna geeriyootey sanad kahor, wuxuuna Girma ku hadli jirey luqado kala duwan oo ay kamid yihiin: Af Oromo, Amharic, Afarigna, Talyaani, Ingiriis, iyo Faransiis. Dhanka kale, Dr Abiy ayaa shacabka Itoobiya uga tacsiyeeyey geerida ku timid Girma wuxuuna sheegey inuu daacad u ahaa dalkiisa isla markaana uu muddo dheer usoo adeegey isla markaana uu 12 sano madaxweyne ahaa.

Maxkamadda ciidanka ayaa xabsi gaadhaya 14 sano ku xukuntey ilaa 66 askari oo kamid ah kuwii bishii oktober lugta ku tagey xafiiska ra’iisul wasaaraha dalka

Maxkamadda ciidanka ayaa laga soo xigtey in ilaa 66 askari iyo sarkaal ay ku xukuntey xabsi gaadhaya 14 sano. Ciidamadan ayaa waxey bishii Oktober ugaardiyeen (lug ku tageen) dhanka xafiiska ra’iisul wasaaraha halkaas oo ay galeen xafiiskiisa iyagoo oo aan wax ogolaansho ah ka heysan hogaamintooda sare. Warbaahinta FBC ayaa sidoo kale sheegtey in ciidamadu ay gaadhayeen ilaa 200 isla markaana ay si sharci daro ah ku tageen xafiiska Dr Abiy, haseyeeshee aysan wax dhibaato ah geysan kadib markii uu Dr Abiy ogolaadey inuu la kulmo isagoo u sheegey in dhibaatooyinka ay sheegteen la xalin doono. Sidoo kale, waxey xukuumadda Itoobiya sheegtey iney isbadal weyn ku sameynayso qaab-dhismeedka ciidanka xooga dalka.