Wararka 17/11/2018

553

WARKA MADAXDIISII

  • Kulan weyn oo ka dhacey xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa ayuu Dr Abiy kaga codsadey madaxda Midowga Afrika iney ka shaqeeyaan isbadalka Midowga Afrika
  • Xisbiga XDSHS ayaa si weyn utaageerey tallaabooyinka & isbadalka cusub ee dalka
  • Dr Abiy Axmed oo la kulmey hogaanka sare ee ururka ANDP ee Deegaanka Cafarta
  • Sirdoonka Mareykanka CIA ayaa markii ugu horaysey sheegtey in Mohamed bin Salman uu ka dambeeyey dilka Jamal Khashoggi oo uu isagu amarka bixiyey
  • Soomaaliya oo mar kale kamid noqotey dalalka ugu khatarta badan ee loo safro
  • Wasiirka arimaha dibadda ee Soomaaliya oo kulan la yeeshey dhiggiisa kenya

WARKII OO FAAFAAHSAN

Dr Abiy Axmed oo la kulmey hogaanka sare ee ururka ANDP ee Deegaanka Cafarta

Dr Abiy Axmed ayaa la  kulmey madaxda sare ee xisbiga deegaanka Cafarta ANDP. Waxey wararku sheegeen in kulankan lagaga wada hadley sidii loo xoojin lahaa nabadgalyada, horumarka, iyo sidii deegaanka Cafartu unoqon lahaa mid la jaanqaadi kara isbadalka cusub ee curtey dalka ee uu hogaaminayo Dr Abiy Axmed.

Xisbiga XDSHS ayaa si weyn utaageerey tallaabooyinka & isbadalka cusub ee dalka

Warbaahinta deegaanka, gaar ahaan SRTV ayaa waxey sheegeen in hogaaminta sare ee xisbiga XDHSHS ay soo saareen bayaan ay ku taageerayaan tallaabooyinka ay xukuumadda federalku dhowaan qaadey, gaar ahaan in sharciga la horkeeney dadkii sameeyey tacadiyada kala duwan isla markaana boobka iyo dhaca ku sameeyey hantidii shacabka. Bayaankan ayaa sheegey in XDSHS uu si buuxda ugarab istaagayo xisbiga talada haya ee ay bahwadaagta yihiin ee EPRDF, isla markaana uu ka caawin doono tallaabo waliba oo lagu hirgalinayo cadaaladda iyo dimoqraadiyadda dalka. Dhanka kale, waxey wararku sheegeen in madaxweynaha DDS Mustafe Mux’ed Cumar iyo Madaxweynaha Oromiya, Lamma Magarsa, ay kala sixiixdeen heshiis cusub oo qeexey sidey uga wada xunyihiin dhibaatooyinka iyo dhimashada ka dhacda xuduudaha labada deegaanka, isla markaana ay diyaar u wada yihiin iney si wadajir ah uga wada shaqeeyaan sidii loo soo afjari lahaa dhibaatooyinka xuduudaha iyo in laga shaqeeyo dib uheshiisiinta labada shacabka ee dariska ah.

Sirdoonka Mareykanka CIA ayaa markii ugu horaysey sheegtey in Mohamed bin Salman uu ka dambeeyey dilka Jamal Khashoggi oo uu isagu amarka bixiyey

Sirdoonka dalka Mareykanka ayaa markii ugu horeysay sheegey in dhaxal-sugaha Sacuudiga Max’ed bin Salman uu isagu bixiyey aramka lagu diley Jamal Khashoggi. Warbaahinta CNN iyo Newyork Times ayaa sheegey in CIA-du ay Turkiga ka heleen macluumaad badan iyo cajalado maqal iyo muuqaal isugu jira oo xaqiijinaya in dilka Khashoggi uusan aheyn mid khalad ku dhacey, sida ay Sacuudigu sheegeen, ee uu ahaa mid si fiican loo soo qorsheegey oo uu soo amrey Max’ed bin Salman.  Waxaa kale oo uu sirdoonku sheegey in safiirka Sacuudiga ee Washington, Khalid bin Salman, oo ah Max’ed bin Salman walaalkii, uu taleefon kula hadley Jamal Khashoggi wax yar kahor inta aan la dilin isagoo usheegey inaan waxba la yeeli doonin hadduu safaaradda Sacuudiga tago. Si kastaba ha ahaatee, warbixintan cusub ee CIA-da ayaa waxey dhabarjab weyn ku tahey xukuumadda Sacuudiga oo iyadu in badan isku daydey iney qariso cidii ka dambeysay dilkan. Safaaradda Sacuudiga ee Washington ayaa beenisay arimaha kasoo baxey CIA-da waxeyna ku tilmaameen warar mala’awaal ah oo xaqiiqada ka fog.