Wararka 19/10/2018

559

WARKA MADAXDIISII

  • Madaxweynihii hore ee deegaanka Cabdi Maxamud Cumar oo la filayo in markii 4aad maxkamad la keeno maanta 19/10/2018
  • Trump oo sheegey inuu hadda aaminsan yahey in Jamal Khashuggi uu dhintey
  • RW Dr Abiy Axmed oo usbuuca soo socda booqasho ku tagaya Yurub
  • Madaxa Hey’adda Global Fund oo la kulmey Dr Abiy Axmed
  • Dr Abiy oo sheegey in bahda warbaahintu ilaaliso sharafta mihnadda saxaafadda
  • Baarlamaanka Itoobiya oo udoortey Tegesse Chafo inuu badalo Muferiat Kamil
  • Gabad Soomaali ah oo ku guuleysatey aqalka dowladda hoose ee magaalada Loofa, Belgium

WARKII OO FAAFAAHSAN

Madaxweynihii hore ee deegaanka Cabdi Maxamud Cumar ayaa la filayo in markii 4aad maxkamad la keeno

10 casho ka hor ayey aheyd waqtigii ay maxkamaddu dib udhigtey xukunka madaxweynihii hore ee Deegaanka Cabdi Maxamud Cumar, iyadoo maxkaddu sheegtey in dib mar kale loogu soo celiyo si loo aruuriyo marqaatiyaal iyo xog dheeraad ah oo la xiriira tacadiyadda lagu soo eedeeyey Cabdi Maxamud Cumar. Maanta oo ay tahey 19/10/2018, ayaa waxaa la filayaa in markii 4aad dib loo horkeeno maxkamadda sare ee dalka si markaas loo soo hordhigo waxyaabaha lagu eedeeyey ee ka dhanka ah xuquuqul inshaanka. Hey’ado kala duwan oo dalka gudadiisa iyo dibadiisaba ah oo ay kamid tahey “Human Rights Watch” ayaa waxey daneynayaan iney ogaadaan qaabka uu xukunku maxkamaddu u dhaco. Sidoo kale, waxaa jira dad udhashey deegaanka oo iyaguna doonaya iney ogaadaan go’aanka ay maxkamaddu qaadan doonto.

RW Dr Abiy Axmed oo usbuuca soo socda booqasho ku tagaya Yurub

Wasaaradda arimaha dibadda ee Itoobiya ayaa sheegtey in DR Abiy Axmed uu usbuuca soo socda booqasho ku tagi doono Yurub gaar ahaan Jarmalka iyo Faransiiska halkaas oo uu kula kulmi doona madaxda dalalkaas oo ay ugu horeeyaan Chancellor Angela Merkel iyo Emanuel Macron. Dhanka kale, Dr Abiy wuxuu xafiiskiisa ku qaabiley Dr Peter Sands oo ah madaxa hey’adda caalamiga ah ee Global Fund oo ah hey’ad bixisa deeqaha lagula dagaalamo cudurada halista ah sida: Aids-ka, TB-da, iyo Malariyada. Dhanka kale, Dr Abiy ayaa ka codsadey in bahda warbaahintu iney ilaaliyaan anshaxa iyo sharafka ay leedahey mihnadda saxaafadda isla markaana ay iska ilaaliyaan waxyaabaha dhibaatada ku keeni kara dalka.

Baarlamaanka Itoobiya oo udoortey Tegesse Chafo inuu badalo Muferiat Kamil

Baarlamaanka Federalka Itoobiya ayaa wuxuu afhayeen cusub udoortey, Tagesse Chafo, isagoo badali doona Muferiat Kamil oo dhowaan loo magacaabey wasiirka wasaaradda cusub ee Nabadda. Mr Tagesse wuxuu isaguna kasoo jeedaa shucuubta koonfureed ee ay kasoo jeedey Muferiat waxaana la filayaa inuu howlihiisa shaqo bilaali doono kadib markii loo dhaariyey xilkaas cusub.

Gabad Soomaali ah oo ku guuleysatey aqalka dowladda hoose ee magaalada Loofa, Belgium

Gabadhan Soomaalida ah ee 21 jir ayaa waxey ku guuleysatey kursiga aqalka dowladda hoose ee magaalada Loofa ee dalka Belgium. Sahra Khaliif Maxamed ayaa idaacadda VOA usheegtey iney ku dhalatey Belgium, haseyeeshee ay jeceshahey dalkeeda Soomaaliya isla markaana ay jeceshahey iney caawiso dadka Soomaalida ah ee kusoo badanaya dalka Belgium si ay wadankaas ula qabsadaan. Sidoo kale, Sahra waxey sheegtey iney u codeeyeen ilaa in ka badan 800 oo ruux oo isugu jira Soomaali iyo dad kale oo ajaanib ah, taasina ay diirigalin weyn utahey iney dadkeeda wax badan uqaban karto mustaqbalka.

Trump oo sheegey inuu hadda aaminsan yahey in Khashuggi uu dhintey

Madaxweyne Trump ayaa sheegey in hadda uu aaminsan yahey in Khashuggi uu dhintey, haseyeeshee uu baadhitaanku wali socdo. Sidoo kale, waxaa la sheegey in wiilka uu soddoga u yahey, ahna la taliyihiisa ee Jare Kushner, aha nin ay saaxiibo yihiin wiilka dhaxalsugaha boqortooyada Sacuudiga ee Mohamed Bin Salmaan, inuu Trump kala hadley in arinkan si hoose loo xaliyo isla markaana culeysta badan iyo cadaadiska laga qaado Mohamed Bin Salmaan. Haseyeeshee, lama oga waxa uu Trump qaban karo maadaama arinku uu faraha ka baxey oo uu caalamka oo idil ku baahey, isla markaana ay adag tahey in la qariyo xaqiiqada jirta iyo cidda ka dambeysay dilka loo geystey Jamal Khashuggi.

Booliska Turkiga oo wali baadhitaan ku haya meesha lagu qariyey meydka Khashuggi

Dhanka kale, booliska Turkiga ayaa baadhitaan xoog ah ku haya keymaha waaweyn (duurka) ee ku hayeereysan qunsuliyadda Sacuudiga iyagoo adeegsanaya eyda booliska si markaas loo raadraaco meesha lagu qariyey meydka Jamal Khashuggi. Waxaa kale oo ay wararku sheegayaan in nin kamid ahaa 12kii nin ee fuliyey dilka Khashuggi la sheegey inuu ku dhintey shil gaadhi oo ka dhacey magaalada Riyad ee caasimadda Sacuudiga. Haseyeeshee, waxey wararku ku darayaan in laga yaabo in ninkaas isagana loo diley si ulakac ah si markaas loo aamusiiyo oo aan loo helin wax macluumaad ah oo ku saabsan dilka Khashuggi.