Wararka 20/12/2018

521

WARKA MADAXDIISII

  • Baarlamaanka Itoobiya oo ansixiyey hirgalinta Golaha Xuduudaha oo ay xukuumaddu horaan usoo bandhigtey
  • Itoobiya iyo Suudaan oo ku heshiiyey iney sii xoojiyaan iskaashiga iyo xiriirka dhaqan-dhaqaale ee labada dal

WARKII OO FAAFAAHSAN

Baarlamaanka Itoobiya oo ansixiyey hirgalinta Golaha Xuduudaha oo ay xukuumaddu horaan usoo bandhigtey

Baarlamaanka Itoobiya ayaa maanta ansixiyey in la hirgaliyo golaha maamulka xuduudaha oo horaan ay xukuumaddu ugu soo gudbisay baarlamaanka si loo ansixiyo. Golahan cusub ayaa waxaa la filayaa inuu daraasad cusub ku soo sameeyo arimaha xuduudaha iyo jinsiyadaha si markaas loo xaliyo wax waliba oo ku saabsan khilaafka xuduudaha isla markaana kasoo gudbiyo warbixin tafatiran si markaas ay xukuumaddu ugu go’aan qaadato.

Itoobiya iyo Suudaan oo ku heshiiyey iney sii xoojiyaan iskaashiga iyo xiriirka dhaqan-dhaqaale ee labada dal

Itoobiya iyo Suudaan ayaa ku heshiiyey iney sii xoojiyaan iskaashigooda dhanka dhaqaalaha iyo horumarka, waxeyna labada dowladood isla dhiseen guddi iskudhaf ah oo ka shaqeyn doona hirgalinta mashaariicaha iyo danaha labada dowladood. Ku-xigeenka ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Demeke Mekonnen, ayaa la kulmey madaxweynaha Sudan, Cumar Xasan Al-Bashiir, waxeyna laba mar’uul isla qireen mihiimadda weyn ee ay leedahey sii xoojinta iskaashiga labada dal si markaas loo xaqiijiyo danaha labada dal. Madaxweynaha Cumar Bashiir wuxuu kasoo qeybgaley aaskii qaran ee loo sameeyey madaxweynihii hore ee Itoobiya, Girma Woldegiorgis, oo dhowaan geeriyoodey isla markaana la aasey shaley 19/12/2018.