Wararka 22/12/2018

469

WARKA MADAXDIISII

  • Ururada Siyaasadda iyo xukuumadda Itoobiya oo yeeshey wadahadalkoodii 2aad
  • Dr Abiy: Bixinta canshuurtu waa mas’uuliyad saaran cid walba oo dareemeysa lahaansho wadaniyadeed
  • Universal TV oo sheegey in qarax xoogan uu maanta ka dhacay goob baadhitaan oo ku taala tiyaatarka Qaranka Soomaaliya iyo Weriyahooda Cawil Daahir Salaad oo ku geeriyoodey
  • Kulankii Wajale ee labada madaxweyne Mustafe Mux’ed Cumar iyo Muuse Biixi oo si weyn ay usoo dhoweeyeen labada shacab

WARKII OO FAAFAAHSAN

Ururada Siyaasadda iyo xukuumadda Itoobiya oo yeeshey wadahadalkoodii 2aad

Hogaamiyayaasha ururada siyaasiga iyo xukuumadda Itoobiya ayaa Addis Ababa ku yeeshey kulankoodii 2aad. Kulankan wuxuu dabo socdey mid hore oo bil kahor sidoo kale kadhacey Addis, wuxuuna kulankani ahaa mid sii adkeynaya wadatashiga iyo isweydaarsiga aragtiyada kala duwan ee ku saabsan tartanka doorashada soo socota iyo sidey ururada kala duwan uga qeybqaadan lahaayeen iney doorashadu noqoto mid ku saleysan cadaalad una qabsoonta si wanaagsan oo ay cadcadaani ka muuqato. Dhanka Soomaliya, waxaa horaan jirtey in ururka ONLF uu ka qeybgaley kulankii 1aad, haseyeeshee aan wali la sheegin cida uga qeybgashey kulankan dambe ee maanta 22/12/2018.

Dr Abiy: Bixinta canshuurtu waa mas’uuliyad saaran cid walba oo dareemeysa lahaansho wadaniyadeed

Ra’iisul wasaaraha dalka, Dr Abiy Axmed, ayaa isagoo ku sugan xarunta Midowga Afrika sheegey iney tahey in canshuur-bixiyaashu dareemaan masuuliyad waddan isla markaana la imaadaan aragti casriyeysan iyo dareen-lahaansho si markaas uu ruux walba ubixiyo canshuurka lagu leeyahey maadaama ay taasi tahey wadada kaliya ee  looga wada qeyb qaadan karo dhismaha dalka.

Universal TV oo sheegey in qarax xoogan uu maanta ka dhacay goob baadhitaan oo ku taala tiyaatarka Qaranka Soomaaliya iyo Weriyahooda Cawil Daahir Salaad oo ku geeriyoodey

Qatax weyn ayaa ka dhacey agagaarka madaxtooyada Soomaliya, waxaana la sheegey iney ku dhinteen ugu yaraan 20 ruux oo uu kamid yahey wariyaha caanka ah Universal Tv, Cawil Daahir Salaad.  Sida ay wararku sheegayaan qaraxu wuxuu ka dhacey meel ay dadku ku badnaayeen gaar ahaan Tiyaatarka Mogadishu oo wax yar ujirta madaxtooyada xukuumadda. Waxaa kale oo ay wararku sheegeen in dadkii dhaawacmey ay kamid ahaayeen xildhibaano iyo mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Soomaaliya oo ay kamid yihiin: Xildhibaan Warsame Joodax iyo guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee maamulka Banaadi, Maxamed Cabdullaahi Tuulax.