Wararka 24/12/2018

601

WARKA MADAXDIISII

  • Dr Abiy Axmed oo la kulmey ciidamada sida gaar ah utababaran ee koofiyad-casta
  • Isku-dhacyo ka jira Oromiya iyo ciidanka booliska Oromiya oo eedeeyey ururka OLF
  • Dhul-gariir ka dhacey Indonesia oo ay ku dhaawacmeen 1,459, lana la’yahey 128 ruux
  • Trump oo yiri: Erdogan ayaa ku filan inuu soo afjaro ISIL isagaan udeynay arinkaas, anaguna waanu kalasoo bixi ciidanka

WARKII OO FAAFAAHSAN

Dr Abiy Axmed oo la kulmey ciidamada sida gaar ah utababaran ee koofiyad-casta

Dr Abiy Axmed ayaa la kulmey ciidamada sida gaar ah u tababaran ee loo yaqaano (koofiyad-casta) kuwaas oo dhameystey tababaro kala duwan oo ku saabsan sidey u ilaalin lahaayeen goobaha mihiimka ah iyo madaxda dalka iyo kuwa booqashada ku yimaada Itoobiya. Ciidankan waxaa loo diyaariyey iney ka hortagaan khatar walba oo ku iman karta dowladda, waxaana loo carbiyey iney ilaaliyaan sharciga iyo dastuurka dalka.

Isku-dhacyo ka jira Oromiya & ciidanka booliska Oromiya oo eedeeyey ururka OLF

Wararka FBC ayaa waxey sheegayaan in madaxa booliska Oromiya, Alemayehu Ejigu, uu digniin kulul u direy ururka OLF ee Oromada iyo dad uu ku tilmaaney iney yihiim kuwo carqaladeynaya nabadda deegaanka Oromiya iyo dalka oo dhan. Waxaa kale oo ay wararku sheegeen in 6-dii bilood ee lasoo dhaafey si weyn looga shaqeeyey sidii nabad waarta looga dhalin lahaa goobaha ay isku-dhacyadu ka jiraan ee deegaanka Oromiya, halkaas oo ay ku dhinteen 29 ruux oo rayid ah iyo 12 ciidan ah, waa sida uu sheegey commission-ka booliska. Waxaa kale oo la sheegey in mudadii ay rabshaduhu socdeen la jabsadey bangiyada galbeedka Wollega, waxaana sidoo kale xeryaha booliska laga boobey hub kala duwan. Sidoo kale, guryo ayaa la jabsadey oo hanti shacab lagu dhacey. Boolisku wuxuu eeda dusha usaarey ururka dhowaan soo xeroodey ee OLF, wuxuuna Alemayehu hadalkiisa ku darey in ururku uu jabiyey heshiiskii mudada dheer laga shaqeynayey ee dhex marey OLF iyo ururka ODP.  Ugu dambeyntii, wuxuu boolisku sheegey inaan loo dulqaadan doonin cid walba oo isku dayda iney khalkhal iyo nabadgalyo xumi ka abuurto deegaanka Oromiya iyo dalka.