Wararka 26/11/2018

555

WARKA MADAXDIISII

  • Madaxweyne Mustafe ayaa la sheegey inuu casho Sharaf u sameeyey shaqaalaha SRTV kadib markii uu booqasho kusoo marey xarunta TV-ga si uu u ogaado xaaladda shaqo
  • Caasimadda Jigjiga ayaa la sheegey iney hadda caadi kusoo noqotey kadib rabshadihii ka dhacey halkaas oo uu 1 wiil ku dhintey meesha dhowr kalena ay ku dhaawacmeen
  • Nin si weyn looga yaqaaney baraha bulshada oo lagu magacaabo Sheekh Cabdi Weli ayaa lagu diley magaalada Gaalkacyo, iyo ilaa 14 qof oo kale oo halkaas ku dhintey
  • Gabadh yar oo kamid ah ciidanka ONLF, Nimco Sheekh Maxamed Digil, oo sheegtey iney qoriga qaadatey kadib markii la xidhey aabaheed iyo wiil ay guursatey
  • Xisbiga Cafarta oo Semera uu uga bilowdey shirweynihii xisbiga halkaas oo la filayo inuu isbadal weyn kasoo bixi doono

WARKII OO FAAFAAHSAN

Berito oo ah 27-ka Nov ayaa waxey Itoobiya martigalineysa kulan ballaadhan oo lagaga doodayo iskaashiga ganacsiga Afrika iyo Shiinaha oo lagu magacaabey Africa-China Business Forum. Kulankan oo ay kasoo qeybgalayaa boqolaalo shirkadood ayaa hadafkiisu yahey sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ganacsiga iyo isweydaarsiga khibradda ee shirkadaha dalalka Afrika iyo kuwa Shiinaha.

Gabadh yar oo kamid ah ciidanka ONLF, Nimco Sheekh Maxamed Digil, oo sheegtey iney qoriga qaadatey kadib markii la xidhey aabaheed iyo wiil ay guursatey

Nimco Sheekh Maxamed oo ah gabadhan da’da yar ayaa waxey kamid aheyd cutubkii ciidankii maalmo kahor lagu soo dhoweeyey magaaladda Jigjiga, kuwaas oo ka yimid dalka Eretria.  Nimco ayaa waxey sheegtey iney jabhadda ONLF ku biirtey kadib markey u adkeysan weydey dhibaatooyinka lagu hayey qowskeeda gaar ahaan markii aabaheed iyo wiil ay isguursadeen loo wada taxaabey Jeel Ogaden halkaas oo ay muddo dheer ku jireen. Sidoo kale, waxey sheegtey in iyaduna la rabey in jeelka la geeyo, laakiinse ay ubaxsatey Soomaaliya, haseyeeshee ay ku badbaadi weydey halkaas maadaama in badan la rabey in la soo qabto. Sidaas owgeed, waxey go’aansatey ineysay gogol dambe oo raaxo leh ku seexan oo ay jabhadda ku biirto isla markaana ay gacanteeda kusoo dhacsato xuquuqdii la duudsiyey iyo iney nabag deegaankeeda ku joogto. Waxey sheegtey iney hadda ku faraxsan tahey iney joogo Jigjiga iyadoo aan cidna ka cabsaneyn halkaas oo ay kula kulantey wiilkii ay guursatey iyo aabaheed oo xabsigii laga soo daayey isla markaana ay farxad ballaadhan ku wada sugan yihiin.

Nin si weyn looga yaqaaney baraha bulshada oo lagu magacaabo Sheekh Cabdi Weli ayaa lagu diley magaalada Gaalkacyo, iyo ilaa 14 qof oo kale oo halkaas ku dhintey

Nin lagu magacaabi jirey Sheekh Cabdi Weli oo magaalada Galkacyo ku ahaa xarun weyn oo ay dad badani ku taxnaan jireen ayaa la sheegey in saaka lagu diley magaalada Gaalkacyo ee Soomaaliya. Sida ay wararku sheegayaan, xubno ka tirsad Al-Shabab ayaa weerar ku qaadey xarunta weyn oo uu ninkaasi daganaa halkaas oo ay ku dileen ilaa 14 qof meesha 10 kalena ay ku dhaawacantey. Dadka dhintay ayaa waxaa ka mid ahaa ninkaas iyo afar haween ah iyo qaar kamid ah ilaaladiisa. Weerarka ayaa la sheegey inuu ku bilowdey qarax-ismiidaamin ah kadibna ay labada dhinac is weydaarsadeen rasaas aad u culus. Maalmulka Galmudug ayaa isaguna sheegey in hadda ay xaaladdu dagan tahey laakiinse ay halkaas ka dheceen khasaaro badan oo labada dhinac ah, kuwa weerarka soo qaadey iyo dadkii ku sugnaa xaruntaas.