Wararka 28/01/2019

656

WARKA MADAXDIISII

  • Dr Abiy oo soo dhoweeyey madaxweynaha Jarmalka, Frank Walter Steinmer
  • Khilaafkii udhexeeyey madaxda sare ee deegaanka oo la sheegey in lasoo afjarey
  • Sacuudiga oo xabsiga kasii daayey ninka ugu hodansan Itoobiya ee Sheikh Mohammed Hussein al-Amoudi
  • Siyaasiyiinta Somaalida ayaa qaarkood markii ugu horeysay isku salaamey Garoowe kadib markey muddo isu cadheysnaayeen, iyo wajji cusub oo loo maleynayo in siyaasadda Soomaliya ay yeelan doonto mustaqbalka

WARKII OO FAAFAAHSAN

Khilaafkii udhexeeyey madaxda sare ee deegaanka oo la sheegey in lasoo afjarey

Idaacadda VOA ayaa sheegtey in khilaafkii u dhexeeyay madaxda sare ee xukuumadda in lasoo afjarey. Dhowr casho ka hor ayaa xafiiska ra’uusul wasaarada, Dr Abiy Axmed, wuxuu shaaciyey muuqaal sawir ah oo muujiyey Dr Abiy oo udhexeeya madaxweyne Mustafe Mux’ed Cumar iyo Gudoomiyaha Xisbiga Axmed Shide, sawirkaas oo loo fahmey iney madaxdu ku faraxsan yihiin wixii kasoo baxey kulankooda ee uu dhexdhexaadinayey Dr Abiy. Haseyeeshee, lama helin wax tafaasiil dheeraad ah oo ku saabsan wixii lagu heshiiyey. Idaacadda VOA ayaa wareysatey wasiirka warfaafinta dowlad deegaanka, Cabdulahi Max’ed Mooge, wuxuuna sheegey in khilaafkii la xaliyey isla markaana wixii hadda ka dambeeya ay madaxdu ka wada shaqeyn doonaan sidii ay si wadajir ah uga wada qaban lahaayeen howlaha xukuumadda iyo sidii loogu adeegi lahaa bulshada deegaanka. Hoos ka dhageyso codka VOA.

Sacuudiga oo xabsiga kasii daayey ninka ugu hodansan Itoobiya ee Sheikh Mohammed Hussein al-Amoudi

Dowladda Sacuudiga ayaa shaacisay iney xabsiga kasii daysay ninka ugu hodansan dalka Itoobiya ee bilyaneerka ah ee lagu magacaabo Sheikh Mohammed Hussein al-Amoudi kaasoo ay xukuumadda Sacuudigu xabsiga u taxaabtey bishii November ee 2017 iyadoo ku eedeysay musuq-maasuq. Dhaxalsugaha Sacuudiga Max’ed bin Salmaan ayaa bilowgii sanadkii 2017 wuxuu ka bilaabey Sacuudiga olole uu ugu magac darey la dagaalanka musuqa kaasoo dad badan oo maalqabeeno ah uu xabsiga ugu taxaabey oo uu kamid ahaa Al-amoudi.