Wararka 29/10/2018

499

WARKA MADAXDIISII

  • RW Dr Abiy Axmed ayaa xadhiga ka jarey biyo-xidheen laga hirgaliyey deegaanka Amaxarada oo ay ku baxdey lacag dhan 3.8 billion birr
  • MW Mustafe Muxumed Cumar oo yiri: Shacabka DDS wuxuu ubaahan yahey inuu helo xuquuq asaasi ah oo in badan laga hortaagnaa oo ah “iney iyagu ismaamulaan”.
  • Dowladda Talyaaniga oo sheegtey iney taageero weyn siin doonto Itoobiya iyo Eriteria

WARKII OO FAAFAAHSAN

RW Dr Abiy Axmed ayaa xadhiga ka jarey biyo-xidheen laga hirgaliyey deegaanka Amaxarada oo ay ku baxdey lacag dhan 3.8 billion birr

Ra’iisul Wasaaraha Dr Abiy Axmed ayaa xadhiga ka jarey biyo-xidheen cusub oo laga hirgaliyey deegaanka Amaharada oo ay ku baxdey lacag dhan 3.8 billion birr. Waxaa xafladda xadhig-jarka kasoo qeybgaley ku xugeenka Ra’uusul Wasaaraha Demeke Mekonnen iyo madaxweynaha Kililka Amharaha. Biyo-xidheenka cusub waxaa la filayaa inuu waraabiyo 20,000 oo hectre isla markaana ay ka faa’iideystaan 40,000 oo beeraley ah.

MW Mustafe Muxumed Cumar oo yiri: Shacabka DDS wuxuu ubaahan yahey xuquuq asaasi ah oo in badan laga hortaagnaa oo ah “iney iyagu ismaamulaan”.

Madaxweyne Mustafe ayaa wuxuu wareysi dheer siiyey saxaafadda Itoobiya gaar ahaan The Reporter halkaas oo su’aalo kala duwan lagu weydiiyey xaaladda uu deegaanku ku sugan yahey iyo waxa ay xukuumadiisu hiiigsanayso mustaqbalka.  Wuxuu madaxweynuhu sheegey caqabadaha hadda hortaagan iyo sida ay xukuumadiisa umaareysay qaarkood iyadoo la eegayo xaaladda uu deegaanku soo marey iyo dhibaatooyinkii faraha badnaa ee saameyn weyn ku yeeshay arimaha dhaqan-dhaqaale ee bulshada.

HADALADII MADAXWEYNAHA EE UGU MUHIIMSANAA WAXAA KAMID AH:

  1. Dhibaatooyin badan ayuu deegaanku soo marey, laakiinse sida la moodayey si ka fiican ayaanu awood ugu yeelaney inaanu ugu maareyno muddo yar oo labo bilood ah.
  2. Dhibaatooyinka ugu weyn wuxuu ka imanayaa dadka kasoo horjeeda “Isbadalka cusub” oo iyagu doonaya iney dadku kusii jiraan xaaladihii hore ee xumaa.
  3. Waxyaabaha ugu weyn ee igu dhiirigaliyey inaan qabto hogaanka deegaanka waxaa kamid ah oo aan jeclahey inaan wax badalo tacadiyadii xuquul insaanka ee ka jirey deegaanka isla markaana la abuuro jawi wanaagsan oo dimoqraadiyeed.
  4. Shacabka Soomaalidu waxey doonayaa iney ismaamulaan “Self-rule and Self-govern” iyo in laga daayo faragalinta muddada dheer lagu soo hayey mudada dheer gaar ahaan dowladihii hore.
  5. Waa in laga doodaa qaarbii loo qeybin lahaa jagooyinka federalka iyo dhaqaalaha dalka iyo kheyraadka deegaanka isla markaana loo ogolaado iney deegaanadu helaan xuquuqda ay leeyihiin.
  6. Shacabka cadaadis iyo cabudhin laguma heyn karo, arinkaasna waa wax cad oo aynu aragney, sidaas owgeed waxaa loo baahan yahey in loo dulqaato xanuunka isbadalka si loo gaadho midhahiisa.
  7. Dhibaatooyinka aynu hadda arkeynu ee ka dhacey dalka oo idil waa kuwo dabiici ah sababtoo ah waxey dadku kasoo baxeen cadaadis xoog badan waxeyna rabaan iney helaan meel ay ku neefsan karaan marka waa in loo dulqaato arinkaas oo la maareeyo iyadoo uu deegaan waliba eegayo baahidiisa iyo qaabka uu umaareyn karo dadkiisa iyagoo la ilaalinayo nidaam dimoqraadiyad.
  8. Tusaale, xukuumadda deegaanku waxey wadatashi buuxa la sameysay dhammaan dadka DDS gude iyo dibadba, waxeyna ogaatey waxa ay dadku doonayaan taas ayaana keentey inaanu ka gudubno dhibaatooyin badan oo na hortaagnaa.

Dowladda Talyaaniga oo sheegtey iney taageero weyn siin doonto Itoobiya iyo Eriteria

Wasiirka Arimaha Dibadda ee Talyaaniga, Enzo Moavero, ayaa wuxuu xafiiskiisa Roma ku qaabiley wasiirada dhigiisa ah ee wadamada Itoobiya iyo Eretria, Dr. Workneh Gebeyehu iyo Osman Saleh, wuxuuna wasiirku sheegey in dowladda Talyaanigu ay si weyn ugacan qaban doonto heshiiska labada dal iyo sidii looga midho dhalin lahaa dadaalka weyn ee labada dal isla markaana xasilooni weyn loogu soo dabaali lahaa Geeska Afrika oo idil.