Wararka 30/01/2019

513

WARKA MADAXDIISII

  • Hey’adaha amniga oo ka warbixiyey xaaladda nabadgalyo ee deegaanka
  • Wasiiro ka kala socdey Itoobiya iyo Jabuuti oo kulan ku yeeshey Addis Abada
  • Dad tahriibayaal ah oo badan ayaa la sheegey iney ku dhinteen xeebaha Jabuuti
  • Madaxweynaha dalka Jarmalka oo Addis kula kulmey madaxda sare ee AU

WARKII OO FAAFAAHSAN

Wasiiro ka kala socdey Itoobiya iyo Jabuuti oo kulan ku yeeshey Addis Abada

FBC: Wasiirka Arimaha Dibadda ee Itoobiya, Dr. Workneh Gebeyehu, ayaa maanta la kulmey madax isku dhaf ah oo ka kala socdey Itoobiya iyo Jabuuti. Dr Workneh ayaa kulankan ka sheegey in labada shacab ee Itoobiya iyo Jabuuti ay yihiin kuwo walaalo ah oo wadaaga dhaqan iyo dhalasho, hayeshee ay ku kala nool yihiin oo kaliya labo kala wadan. Wuxuu kaloo wasiirku sheegey in labada dowladood ay si buuxda uga wada shaqeeyaan arimaha horumarka iyo la dagaalanka argagixisada maadaama ay xubno ka wada yihiin IGAD. Ugu dambeyntii, waxey wasiirada labada dowladood isla garteen in lasii xoojiyo xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo sidey isaga kaashan lahaayeen dhinacyada horumarka iyo nabadgalyada.

Hey’adaha amniga oo ka warbixiyey xaaladda nabadgalyo ee deegaanka

SRTV: Komiishenarka booliska Maxamed Cali Xasan ayaa sheegey in rabshadihii ka dhacey Jigjiga ay ahaayeen kuwo si yar ku bilowdey haseyeeshee ay rabshadahaas sii kiciyeen dad dano kale leh oo iyagu ka xun nabadgalyada iyo xasiloonida deegaanka oo ah kuwii shaley dhibaatada ugeystey deegaanka. Sidoo kale wuxuu komiishenarku sheegey in dadkaasi ay doonayeen in wixii ka dhacey Diredawa ay usoo raraan Jigjiga iyaguu arinkaas ka leh dano gaar ah oo nabadgalyada lagu khalkhal galinayo. Waxaa kale oo uu hadalkiisa raaciyey in 2 ruux ay ku dhinteen, dhowr kalena ay ku dhaawacmeen, haseyeeshee kuwii arinkan ka dambeeyey ay doonayeen in dhibaatadu intey ka weynaato oo ay dad badan halkaas ku dhintaan. Haseyeeshee, wuxuu sheegey in hey’adaha nabadgalyada oo iskaashanaya ay si buuxda uga jawaabeen dhibaatada, waxeyna ku guuleysteen iney xaliyaan wixii dhacey. Ugu dambeyn, wuxuu komiisherarku ugu baaqeyn bulshada deegaanka iney ilaaliyaan nabadgalyada deegaankooda isla markaana ay la shaqeeyaan laamaha amniga dowladda si looga hortago wax qalalaaso ah oo dambe.

Dad tahriibayaal ah oo badan ayaa la sheegey iney ku dhinteen xeebaha Jabuuti

Warbaahinta VOA ayaa sheegtey in dad tahriibayaal ah oo gaadhayey ilaa 35 in meydadkooda laga soo helay xeebaha Jabuuti kadib markey la dagtey doonidii ay la socdeen.

Halkan hoose ka dhageyso codkii wareysiga: