Worldcup: England iyo Croatia oo usoo gudbay rubuca dambe!

329

England 2:0 Sweden. Dad badan waxaa laga yaabaa inay ku noqotey lama filaan in kooxda England ay 2:0 kaga badalisay Sweden oo iyaduba aheyd koox aad u adag laakiinse faro madhnaan kala noqotey koobka aduunka.  Harry Maguire iyo Dele Alli ayaa u dhaliyey labada gool ee England oo waliba labadooduba ay madaxa ku dhaliyeen.

Rubucan danbe, England ayaa waxay arbacada 11/7/2018 la ciyaari doontaa Croatia waxaana la filayaa in ciyaartaasi noqon doonto min aad u adag oo aan la saadaalin karin.

Kooxda Croatia waxay rigoore kaga soo badisay Russia markii 2:2 ay barbaro ku dhamaatey waqtigii ciyaarta. Taasi waxay ku tusinaysaa in kooxda Croatia ay tahey koox aan sahal aheyn oo ay adage tahey in laga guuleysto.  Sidaas owgeed, England waxaa utaala shaqo adag oo ah siday uga guulaysan lahaayeen Croatia haddii kale London ayay ku noqon doonaan iyagoo cago cad.

France vs Belgium: Berito 10/07/2018 ayaa waxaa wada ciyaari doona France iyo Belgium waxaana la filayaa in cayaartaasi sidoo kale noqon doonto mid xiiso badan.

Gareth Southgate oo aad ugu farxay guusha England

U codee Cida guulaysan doona:

England vs Croatia. Yaa guulaysan doona?

View Results

Loading ... Loading ...