Worldcup: France iyo Belgium oo wacdaro dhigey!!

459

Belgium ayaa 2:1 kaga badisay Brazil. Arinkaas wuxuu dad badani ku noqdey layaab iyo amakaag in kasta oo kuwo badan ay horaan saadaaliyeen in Belgium ay mudadii ay socdeen ciyaaraha aduunka ee koobka cagta ay soo bandhigeen ciyaaro qiimo badan iyo cayaartooy xul ah sidans owgeed ay uxaq lahaayeen inay ka guuleystaan kooxda Brazil. Laakiin Brazil sidoo kale waxaa aduunka laga aqoonsan yahey inay kamid yihiin kooxaha ugu fiican laakiin taas Belgium ayaa soo afjartey.

Sidoo kale France ayaa si xarago leh 2:0 kaga badisay Uruguay. Raphael Varane ayaa gooshii ugu horeysay dhliyey kadibna Antoine Griezmann ayaa mid labaad ugu darey taasoo niyad-jab weyn ku keentay kooxda Uruguay oo la arkayey cayaartoydooda oo ay qaar ilmaynaya mesha qaar kalena uu xanaaq darteed xididada cunuhu soo baxeen.

Halkan hooose ka daawo ciyaarihii shaley Jimce, 06 July 2018.

Haddii video-ga kuusoo bixi waayo halkan riix