Worldcup: France oo 1:0 kaga badisay Belgium

349

Sidii ay horaanba akhristayaashu usaadaaliyeen, France waxay 1:0 kaga badisay Belgium. Samuel Umtiti ayaa wuxuu daqiiqadii 51aad kooxdiisa France udhaliyey gooshii guusha halkaas oo ay ciyaartiina ku dhammaatey France 1:0 Belgium.  Kooxda France waxay hadda timid Finalka cayaaraha worldcup-ka Russia waxeyna la kulmi doontaa England ama Croatia oo iyagu cayaari doona Arbaco 11/07/2018 9:00pm. Dalka France laga seexan oo waxaa la arkayey dad badan oo u dabaaldagayey guusha weyn ee ay kooxdoodu gaadhey ee ay usoo baxdey finalka koobka aduunka Russia 2018.